Xaaska Trump Oo Si Cadho Leh Ugu Jawaabtay Macallimad Macaga Wiilkeeda Kaftan Ka Dhigatay

0
925

Washington (Geeska)- Xaaska madaxweynaha Maraykanka Marwo Melania Trump ayaa si adag u difaacday wiilkeeda keliya ee Barron Trump oo ay macalimad jaamacadeed magaciisa si jeesjees ah ugu kaftantay.

Pamela Karlan oo bare sharciga dhiga ka ah jaamacadda Standford ayaa mar ay dhowaan hortagtay Kongareeska Maraykanka oo dhegeysanayey marag furkeeda la xidhiidha dacwadda ka dhanka ah Donald Trump, waxa ay madaxweynaha ku eedaysay in uu jeclaan lahaa in dalka Maryaknaka uu ka dhigo nidaam boqortooyo oo uu hoggaamiyo.

Marwo Pamela ayaa madaxweyne Trump ku tilmaamtay nin jecel in kursiga uu ugu dheggenaado sida boqorrada. Boqortooyo jacaylkiisana waxa ay tusaale ugu soo qaadatay Barron Trump oo ah wiilka keliya ee ay Melania u dhashay Donald Trump. Iyada oo u duurxushay in magaca Barron uu ka soo dheegtay ereyga afka Ingiriisiga ee ‘Baron’ oo macnihiisu yahay xubin ka tirsan qoys boqortooyo.

“Dastuurku waxa uu dhigayaa in aan lala bixin naanayso muujinaya in qofku uu ka sarreeyo aadamaha kale, sidaa awgeed marka uu mdaxweynuhu wiilkiisa ku magacaabayo ‘Barron’ waa in la ogaado in aanay suurtagal u noqon karin in uu wiilkiisa amiir ka dhigo” Ereygaas oo markii ay tidhi dadkii golaha fadhiyey ay aad ugu qosleen.

Haddaba xaaska madaxweyne Trump oo aad uga cadhaysan arrintan ayaa tidhi, “Macalimadda Pamela Karlan ee ka tirsan jaamacadda Stanford, markii ay arbacadii hadalka jeedinaysay, waxaa waajib ahaa in ay nafteeda u khajisho markii ay wiilkayga u soo qaadanaysay qaabnka kaftanka ah iyo aragtida ah in ay marag uga dhigto dooddeeda”

Marwada koowaad ee Maryakanku intaas kuma ay hadhin ee waa ay sii wadday iyada oo sheegtay in wiilkeedu aanu weli qaangaadh ahayn sidaa awgeed uu waajib sharciya u leeyahay in arrimihiisa gaarka ah la iska dhawro, iyo in uu ka dheeraado muranka siyaasiga ah” Marwada koowaad ee Maraykanka ayaa hadalka macalimadda ku tilmaamtay in aanay khajilaadi ku jirin.

Dhinaca kalana xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ee Maraykanka Stephanie Gresham ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay sida wax u dhaceen. Waxa aanay gabadha macalimadda ah ku eedaysay in ay aaminsan tahay aragtidii qarniyo ka hor shaqayn jirtay ee kala sarraynta bulshada. “Waxa ay inanka yar soo dhexgelisay arrin aanu wax xidhiidh ah la lahayn, waa qalad weyn, laakiin waxaaba ka sii fool xun dadka qosolka ku qaabilay arrintan” ayaa ay tidhi Melania Trump.

Si kastaba ha ahaato ee Prof. Pamela Karlan ayaa markii dambe garwaaqsatay qaladkeeda. Waxa aanay warbaahinta marisay hadal ay kaga cudur daaranayso soo hadalqaadka wiilka yar ee aan weli qaangaadhin.  “Waxa aan ka cudur daaranayaa hadalka aan ka idhi wiilka madaxweynaha, in aan sidaas yeelaa qalad ayaa ay ahayd.” Ayaa ay tidhi Bare sare Pamela oo intaas ku dartay in madaxweynahana laga rabo in uu raalligelin ka bixiyey qaladaadka uu galay. Sida ay hadalka u dhigtay.

Pamela Karlan waxa ay ka mid ahayd saddex sharci yaqaan oo konagareeska Maraykanku ka dalbaday in ay golaha talo ka siiyaan eedaha madaxweyne Trump loo soo jeediyey ee sehegaya in uu mdaxweynaha dalka Yukrayn talefanka kula hadlay isaga oo ka dalbanaya in uu dacwad ku soo oogo madaxweyne ku xigeenkii Maraykanka ee xilligii Obama oo imikana ah murashax madaxweyne oo la tartami doonoa Donald Trump.

Carruurta aan qaangaadhin ee madxweyneyaasha Maraykanka ayaan inta badan lagu darin eedaha iyo dabagalka lagu sameeyo xubnaha kale ee qoyska ee qaangadhka ah. Siyaasadda Maraykankana waxaa caado u ahayd marka siyaasadda la joogo in laga dheeraado soo hadal qaadka ubadka madaxweynaha.

Dhinaca kalana gabadh uu dhalay madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton oo iyaduna da’da uu imika Barron yahay hal sano ka sii yarayd markii uu aabaheed xilka qabtay sannadkii 1993 kii, ayaa sannadkii 2017 ka mar sidan hadda oo kale loo soo hadal qaaday wiilka mdaxweynaha ee Barron Trump waxa ay qortay hadallo ay si aad ah ugu difaacayso wiilka yar. “Waxaa la joogaa waqtigii ay ahayd in warbaahinta iyo cid kastaaba ay faraha ka qaaddo Barron Trump. Faraha ka qaada, oo daaya ha qaato carruurnimada uu mudan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here