Harare(Geeska/W.Wararka)-Haweenayda u dhaxday hoggaamiyaha Zimbabe Ms. Grace Mugabe ayaa hanatay kursi loo arko inuu jidka u sii xaadhayo sidii ay u noqon lahayd madaxweynaha bedeli doona odaygeeda da’da ah.
Shir uu xisbiga ZANU-PF ee ka taliya wadankaasi qabtay 6 December, ayaa haweenaydan loogu doortay inay noqoto guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbigan ZANU-PF, ka dib markii cod aqlabiyad ah loogu doortay. Waxa ay meesha ka saartay haweenaydii madaxweyne-xigeenka u ahayd odaygeeda oo ay siyaasadda isku qabteen, iyadoo ku eedaysay inay Madaxweynaha meesha ka saarayso.
Madaxweyne Robert Mugabe oo wadankaas xukumayay tan iyo sannadkii 1980, ayaa hadal uu furitaankii shriweynaha xisbiga ka jeediyay wuxuu si adag u cambaareeyay madaxweyne-xigeenkiisa xisbiga laga saaray.
Madaxweyne Robert Mugabe oo ah 90 jir, waxa loo doortay inuu xisbiga hoggaamiyo shanta sannadood ee soo socota, islamarkaana uu soo xusho madaxweyne xigeenka iyo xubno kale oo sare oo xisbiga ka tirsan. Laakiin dad badan ayaa aaminsan in xaaska Madaxweynaha oo ah 49 jir, ay noqon doonto qofka bedeli doona odaygeeda ee iska sharaxi doona xisbigaas taas oo uu macnaheedu yahay inay noqon doonto madaxweyne dambe ee Zimbabwe.
Dalka Zimbabwe ayaa la liicaya dhaqaale xumo ka dhalatay hoggaaminta Madaxweyne Robert Mugabe, laakiin iyadoo uu wadanku xaaladaas ku jiro haddana dad badan oo shacabkiisa ka tirsan ayaa u arka hoggaamiye wadanka xoreeyay, waxaanu ka mid yahay madaxda Afrika ugu dada weyn wakhtiga uu talada hayay iyo da’adiisaba.