Xaaska Madaxweynaha Zimbabwe Oo Xisbiga Talada Haya Ka Saartay Madaxweyne-xigeenkii

0
812

Zimbabwe(Geeska/W.Wararka)- Madaxweyne ku xigeenka dalka Zimbabwe Joyce Mujuru oo ah haweenay awood badan, ayaa xoog loogaga saaray guddiga dhexe ee xisbiga talada haya ee ZANU-PF, ka dib markii ay haweenayda uu qabo Madaxweynaha sagaashan jirka ah ee Zimbabwe Grace ay ku bilowday dagaalo siyaasadeed oo culus.

Haweenaydan madaxweyne-xigeenka ah ayaa doonaysay inay bedesho madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, waxaanay talaabadan xisbiga shalay lagaga saaray shaki gelinaysaa mustaqbalkeeda siyaasadeed. Marwada Madaxweynaha oo ay si adag isu hayaan ayaa ku eedaysay inay maleegeyso qorshe lagu khaarajinaayo madaxweynaha sagaashan jirka ah ee dalkaasi ee Robert Mugabe, musuq iyo kooxayso ay xisbiga ka dhex samaysay. Laakiin gabadhan madaxweyne xigeenka ah ayaa iska difaacday eedaha oo ay ku tilmaantay dagaal siyaasadeed.

Shirweynaha xisbiga ayaa furmaya toddobaadka dambe, waxaanay madaxweyne xigeenku dagaal ugu jirtay sidii mar labaad loogu dooran lahaa golaha dhexe si ay u bedesho madaxweynaha talada haya, waxaana kursigaas kula tartamayay wasiirka cadaaladda oo isna ah nin awood badan. Laakiin xaaladda ayaa shalay mar keliya is bedeshay markii guddiga dhexe ee xisbiga laga saaray.

Geesta kale haweenayda uu qabo madaxweynaha Zimbabwe ayaa dhawaan loo doortay hoggaaminta garbaka haweenka ee xisbiga, taas oo kor u qaaday warar hoose oo sheegyay inay doonayso inay bedesho odaygeeda. Waana sababta ayaa la leeyahay ay xisbiga uga saartay gabadhan ay is hayeen.

Robert Mugabe, oo ah siyaasi talada wadankiisa qabtay sannadkii 1980, ayaa ah sagaashan jir, waxaana la filayaa inaanu mar dambe isu soo sharixin madaxtinimada wadankiisa, waxase la dareemayaa guuxa ka dhashay cidda bedeli doonta. Haweenayda uu qabo oo ah gabadh dhallinyaro ah ayaa dedaal xoog badan ku jirta, halka ay haweenayda labaad ee madaxweyne xigeenka ah iyo wasiirka cadaaladuna doonayeen inuu midkood bedelo.

Hase yeeshe marwada koowaad ee Zimbabwe ayaa imika u muuqata inay khaarajisay haweenaydii odaygeeda ku xigtay oo ay ka cabsi qabtay inay bedesho Robert  Mugabe. Geesta kale shakhsiyaad kale oo ku dhawaa Joyce Mujuru ayaa sidoo kale jagooyin ka waayay guddiga dhexe ee xisbigani.

Qas siyaasadeed oo uu dagaalkan labada dumarka ah u dhexeeyaa sababay ayaa laga dareemayaa wadanka Zimbabwe oo marka  horeba la baaxaa degaya dhibaatooyin dhaqaale.