Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 34aad

0
649

Picture3

Boqolkii mid baan garanayaa Biixiyaw Harar eh

Bidhan arag markii aan socdaa qof i bariidshaaye

Jamac Xiid

Ka hadh baan lahaa, hadal haan ma buuxshee, hore ugu mar baan idhi, waa lagu habsaamee, caawaana hirkaan degay, ma hargeysa weyn-baa, hoobaynta siyaasadda baan galay halkaygii.

Kontomeedyadii ayaa la odhan jiray Siyaasadda Somaliland waxa laga hagaa labada fooq ee isu sanqanaya (Kii Ina Jibriil iyo kii Ina Cumar Xaashi); hadda waxa laga wada tuulooyin isu-sanqanaya. Markaas hore ayaaba fooqyo la fuushanaa ee hadda tuulooyin iyo boodhkii ayaa lagu legdamayaa: Gar-adag, Daalo, Agabar, Xingalool, Xeego, Saaxdheer, Balligubadle, Dubur, halkaas ayaa lala aaday siyaasaddii qaranka.

Waxa laga carararyaa ilbaxnimada, aqoonta iyo internet-ka, telefoonka, skybe-ka iyo (flush toilets), waxa la tegayaa meelo banka loo kor-tago. Siyaasadda lagaga hadlayo iyo dawladaha meelahaas lagu soo samaynayaa ma tahay mid horomar higsan doonto? Mise tuulo cusub ayey samayn doontaa? Dadweynaha Somaliland 70% waxa ay ku nool yihiin magaalooyinka ee miyiga iyo tuulooyinka kuma noola waa tii laga soo hayaamay ee maxaa talada loogala cararayaa dadka magaalooyinka buuxa?

Hore ayaa loo sheegay sacabka maxaa habeenkii loo tumaa, haddii aan xeeladi ku jirin? Ma nafteenna ayaa jecel miyigaa iyo bannaanka furan ee cidlada ah, oo neceb daaraha iyo gidaarada iyo wadooyinka iyo urta kala duwan ee magaalooyinka.

Waxay nafta Soomaaliyeed u heelan tahay degaanka dhirta iyo hawd iyo caleen iyo duurjoogta ay ka mid yihiin iyo shimbiraha ee ilbaxnimadan iyo dunidan macmalka ah ma jecla! Xaalku ma sidaas baa oo tuulooyinka iyo duurka cidlada ah marka la tago ayaa waxyigu ku soo degaa? Haddii ay sidaas tahay maxay dhallinyaradu badda isugu tuurayaan oo u tahriibayaan.

Nin gabyaa ahaa oo Maraykan oo la odhan jiray (Robert Frost) ayaa gabay tiriyey uu ku magcaabay “Mending a wall “ ama Derbi la dhigayo kii Soomaalidu odhan jirtay derbi doqon dhigay haddu dumayaba hataanba ha dumo.

Gabayga ayaa ku bilaabma “Something there is that doesn’t love a wall” waxa jira wax aan gidaarka jeclayn… Waxa uu ku sheegayaa sida gidaarada ay wax waliba u dumiyaan, xayawaanka, cimilida iyo cayayaankuba. Xaalku ma sidaas baa degaanka ayaa dhab ah. Bal adba.

Markii Somaliland xoriyaddeeda qaadatay ayaa xafiisyadii Khawaajayaashu fadhiyeen, waxa beddelay rag muwaadiniin ah. Ragii ayaa la saluugay. Gaagaalihii suuqa joogay ayaa deeto sheeko sameeyay oo yidhi; ‘Waar meeshii KARAL (Currall, oo ahaa nin Ingiriis oo maamulka iyo hawlaha dalka kala socodsiin jiray.) fadhiyey ma hebello ayaa fadhiistay? Qoladiina waxay yidhaahdeen kuwa na beddeli doona ee naga dambeeya ayaad ka yaabi doontaan ha sugi waayina, waa kii Wakiillada xisbigu beddeleen.

Hadda meeshii Marxuun Qaybe, Jirde iyo Oday Cilmi fadhiyeen ee ay oggolaadeen in ilaa mooshin xil-ka-xayuubin ah, oo lagu soo oogay Madaxweyene Marxuun Cigaal, in la soo dhigo oo loo codeeyeyo, kaas oo dirqi lagu jebiyey oo cidina isku qabsan waxa beddelay kuwa maanta ciidamo boolis ah la kala dhexdhigay.

Xubnihii Golaha iyo Shirguddoonkii oo kala qaybsamay oo laga baqay inay isugu dhacaan. Cadkeedley, kuwa soo socda ayaad kaa yaabi doontaa waa halkeedii eh.

Suluxii hore ee Guurtidu ku kala hagtay labadii kooxood ee Golaha Wakiillada ee is-hayey, waxa la sheegay inaanu dhammaystirnayn, mar haddii hoos-u- dhigidii tiradii xilka lagaga qaadayey Shirguddoonka uu sideedii u daayey, oo ay la mid noqdeen Maayarada magaalooyinka ee haldheerida codka lagaga xayuubin karo xilka. Murankii oo mar kale dilaacay haddana Guurtidii, ayaa nasiib-wanaag u gurmatay Golihii ay jaarka ahaayeen oo sulux kale ku guulaysatay.

Beel Goballada Bariga degta ayaa Suldaankoodii geliyey dagaallo aan joogsanayn iyo colaado aan dhammaanayn. Oday odayaasha beesha ka mid ahaa ayaa ku yidhi Suldaankii ”Suldaan ka daa reerka dagaaladan joogtada ah, ee raggii ku riiqday.” Suldaankii waxa uu ku jawaabay, “Nasiib ayaan ku leenahay dagaalka oo la igama guulaysto.” Odaygii waxa uu ugu celiyey “Suldaan, nasiibku miyaanu innaga dhammaanayn?”

Hadda waa yaab’e nasiibka Guurtidu miyaanu innaga dhammaanayn? Saw mar uun ma dhici doonto in qolo diido, markaas maxaa la yeeli doonaa? Hawsha Golaha Wakiilladu waxay u baahan tahay in wax-ka-beddelkii lagu sameeyey xeer-hoosaadkii lagu soo caano maalay ee lagu dhaqmayey muran la’aan 17 sanno laga noqdo. Waa laga digay hawshaas mar hore, dhegse looma jalaq siin.

Yaaba Sabay furay waa saliid eh baa hore loo yidhi; “Sabay iyo Saliid waa laba tog oo ku yaalla Bariga Sanaag oo dhirta Dhamastu ka baxdo, ahna halka adduunka oo dhan ugu horreyntii geedkaasi laga helay. Waa dhulka macag la yidhaahdo ee Boqortooyadii Macag ama Balqiis ay ka talin jirtay oo af Somaliga oo far qadiim ah ku qoran laga helay).

Hadda ha lagu celiyo xeerka sidiisii hore ee ahaa 2/3 codka xilka lagaga xayuubin karo Shirguddoonka Golaha iyo inaan la furi karin Xeer-hoosaadka Golaha ilaa muddada Goluhu dhammaato oo mid cusubi yimaaddo. Nin run yaqaanaw wax noo sheeg, nin rag yaqaanaw na malay!

Hawsha Golaha sugaysa ayaa mudan in la qabto oo xoogga la saaro; Ansixintii Guddigga Doorashooyinka, Ansixintuiin Miisaaniyad Sanaddeedka Qaranka, Kabidda iyo wax-ka-beddelidda iyo Ansixinta Xeerkii Doorasha ee Golaha Wakiillada.

Waagii hore ragga waxay u soo ciyaar guddi jireen reeraha gabadhaha guur-doonka ihi joogaan, weligeedba cawayska habeenkii ee bulshaddu ama ‘night club’-ku waa jiray. Qoladan gadh-dheerta ah ee Wahaabiyadda soo xambaaratay ayaa diidan eh.

Waxa la sheegay qolo soo ciyaar gudday in cayaartii ka dhabaqday oo jaantii ay isla heliwaayeen sida Madaxda Soomaalida ku dhacda, deeto hormoodkii kooxda oo saluugay sida ay u dhacaysay ciyaartu baa ku baanay “Ma sidaas ayaa rag lagu yahay oo reer loogu soo cayaar guday?” Ma sidaas ayaa madax lagu yahay oo dad iyo dal lagu hogaaminayaa.

Is-qabsigan soo noqnoqonaya oo sidii carruur allaalaxey isku darsatay, oo hadba kala soocanaya miyaa sii wadaya dalka! Mid aanu isku jifi nahay oo Golahaas ka mid ah ayaan la hadlay markii is-qabadku soo baxay, oo ku idhi war horta mudnaanta siiya ansixinta guddiga doorashooyinka iyo miisaaniyadda, deeto gala hawsha xeerka muranku ka joogo habraaciisa.

Waxa uu iigu jawaabay, “Ma yeelayno ilaa arrinta xeerka ciddii ka dambeysay wax laga qabto oo xilka laga tuuro.“ Dawacadii reerka xadhigihii yeesha ahaa ka cuntay waxay tidhi wallee reer aan ogahay ma guuro sawtaan yeeshii ay awarta ku raran lahaayaan ka cunay . Tolaw yaa yeeshii inaka cunay?