Xaalado Haddii La Dhayalsado Khatar Gelinaya Caafimaadka Indhaha Iyo Aragga (Q.2)

0
812

 

Aragga dhow

In qofka uu ka lumo aragga waxa u dhowi waa xaalad caafimaad oo si sibiq ah qofka u hesha. Waxa ay dhakhaatiirtu ku naanaysaan ‘Tuugga aragga xada ee aamusan’. Inta badan waxa ay xaaladdani ku xidhan tahay da’da qofka oo weynaata. Sida uu sheegayo Dr. Matthew Gorski bilowga hore xaaladdani waxa ay ku timaaddaa si aanu qofku aad u dareemayn, ama dhibaato badan u arkayn. Laakiin muddo kaddib waxa ay sababtaa in ay disho neerfayaasha aragga, taasina ay horseedo in qofku uu waayo gebi ahaanba aragga. Gorski waxa uu ka digay in xaaladdani haddaan marka ay bilowga tahay laga hortegin, in ay keeni karto indho la’aan aan la daweyn karin.

Maadaama oo ay xaaladdani si sibiq ah qofka ku hesho, sida ugu fiican ee looga hortegi karaa waa in qofku uu joogteeyo baadhista aragga. Hubin iyo baadhis joogto ah oo aragga lagu sameeyo inta ka horreysa afartan jirku waa arrin u fiican guud ahaan caafimaadka aragga. Haddii afartan jir la gaadhana waxa ay noqonaysaa waajib, haddii aan la fulin khatar loo noqon karo indho la’aan kedis ah.

Aragga oo luma

In qofku uu si kedis ah aragga u lumiyaa waxa ay u baahan tahay in uu si degdeg ah ugu tago dhakhtar takhasus ah.  Dr. Mariano oo ku xeeeldheer caafimaadka indhaha ayaa sheegaysa in sababaha ugu badan ee indho beelka keena ay ka mid tahay dhiigfuranka maskaxda. Laakiin rajada fiicani ay tahay in la yarayn karo dhaawaca dhinaca aragga ah ee ka dasha faaligga ama dhiigfuranka maskaxda. Haddii isla markaba dhakhtar takhasus ahi ka hawlgalo badbaadinta aragga qofka iyo sida oo kale dhakhtar takhasus ku ah dhiigufuranka maskaxda, oo isticmaali kara dawooyinka ku habboon furfurista ama joojinta dhiigga. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira marar kale oo ay indho la’aantu ku timaaddo buro maskaxda ku taalla. Ama xididdada dhiigga gaadhsiinaya shabakadda aragga oo xidhma.

Garaac, dawakhaad, matag iyo bu’da isha oo weynaata

Glaucoma waa xanuuno dhowr ah oo ku dhaca indhaha, dhaawacna gaadhsiiya dareensida aragga, isla markaana sababa indho la’aan. Waxa uu xanuunkani ka mid yahay xanuunnada ugu badan ee ay dhakhaatiirta takhasuska indhaha ee Somaliland sheegeen in ay ku arkeen dadka ay la kulmaan.

Xanuunkan oo sababa in uu cadaadiska (Pressure) ka ishu aad u kaco, waxaa ka dhasha in qofku uu dareemo tashuush daran oo aragga ah, xanuun, dawakhaad iyo matag marmarka qaarkood. Haddaba marka uu qofku xaaladdan dareemo waxaa qasab ah in qofku uu sida ugu dhaqsaha badan u tago qaybta gurmadka degdegga ah ee cisbitaalka indhaha, si uu uga hortago in uu araggu si kedis ah u wada lumo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here