Bangiyo Caalamiya Oo Xanuunka Caronavirus U Arka Fursad Maalgashi Oo Ay Faa’iido Ka Samayn Karaan

0
866

 

Inkasta oo daafaha dunida oo dhan ay ka soo yeedhayso qaylodhaanta xanuunka Karoona-Fayras ee ka bilowday dalka Shiinaha kuna faafay adduunka. Qaramada midoobey iyo guud ahaan dawladaha adduunkuna ay labadii maalmood ee u dambeeyey si is-daba joog ah u soo saarayaan digniino safar oo talooyin ay muwaadiniintoodu ka siinayaan xanuunka. Haddana waxaa jira dad iyagu weli ka fikiraya dhinac aad uga fog cabsida iyo kala shakiga socdaalka iyo xidhiidhka bulshada ee uu cudurku keenay.

Qaar ka mid ah bangiyada maalgashiga ee waaweyn ayaa durba bilaabay in ay dilaacista xanuunkan ka raadiyaan faa’iidooyin ganacsi. Waxaa ka mid ah in ay iibsadaan saamiyada suuqyada China iyo inta badan ee dalalka Afrika oo qiimo dhac weyni ku yimi sababta cudurkan awgeed, iyaga oo og marka ay xaaladda caafimaad soo wanaagsanaato in saamiyada ay iibsadeen ay ku sii iibin doonaan dhaqaale aad u badan.

Waxaa ka mid ah bangiga caalamiga ah ee maalgashiga JP Morgan. Bangigan oo xaruntiisu ay tahay dalka Maraykanka ayaa shaaciyey in uu maalgashan doono suuqyada soo kobcaya ee qaaradda Aasiya, isaga oo iibsanaya raasamaalka Aasiya ee suuqyadan.

Sida oo kale bangiyada UBS iyo Morgan Stanley ayaa saamileydooda kula dardaarmaya iibsashada raasamaalka Aasiya gaar ahaan dalka Shiina oo qiimaha saamiyadu hoos u dhacay.

Bangiga UBS ayaa isagu caddeeyeyba in saamaynta uu xanuunka cusub ee Caronavirus ku yeelan doono dhaqaalaha guud ay tahay aad u xaddidnaan doonto, taas oo ah waayoaragnimada laga helay fayrasyadii hore uga dillaacay adduunka ee uu ka mid ahaa Fayraskii magaciisa loo soo gaabiyey ‘SARS’ ee sannadkii 2013-kii iyo Fayraskii kale ee MERS lagu magacaabi jiray oo isna ahaa sannadkii 2015 kii.

Bangiga Julius Baer oo toddobaadkii hore markii xanuunkani cabsida weyn abuuray maalgashatadiisa kula taliyey in ay iibsadaan saamiyada China iyo Aasiya, ayaa haddana soo saaray talo kale oo uu markan ku sheegayo in ay weli yara sugaan, maadaama oo la filayo in saamiyadu ay mar kale boqolkiiba 10 illaa 15 hoos u dhacaan. Waayo fayraska Coronovirus ayaa si cabsi abuuraysa oo aad uga xawaare saraysa sidii markii hore la filayey, waxa uu ugu faafayaa meelo badan oo adduunka ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here