Xaalado Haddii La Dhayalsado Khatar Gelinaya Caafimaadka Indhaha Iyo Aragga (Q.1aad)

0
1856

 

Inta badan dhibaatada caafimaad darro ee indhaha ku dhacaa waxa ay ku bilaabataa xaalad fudud, oo laga yaabo in si dhaqso ah loo daweyn karo. Haddii waqtiga ku habboon iyo dhakhtarka saxda ah lala helo. Waxaa ka mid ah xasaasiyadda indhaha iyo indho engagga. Laakiin waxaa jira xaaladaha qaar calaamad u ah in isha uu hayo xanuun khatar ahi, haddii aan bilowga la daweyna laga yaabo in ay dhibtiisu sii adkaato.

Warbixin ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay shabakad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo ‘The Healthy’ ayaa haweenay qoraa ah oo lagu magacaabo Amanda Gardner, waxa ay ku sheegtay calaamado lagu garan karo marka xaaladda caafimaad ee ishu ay khatar tahay.

Dhagax isha kaaga jira

Marmar waxaa dhacda indhaha oo aan dhib hore qabin in qofku uu dareemo in isha uu dhagax ama ciid yari ka gashay. Xaaladdan oo kale, gaar ahaan marka la hubiyo in dhagax aanu isha ku jirin ee ay is moodsiis ahayd/ waa calaamad lagu garto in indhuhu ay engageen, ama biyaha ay u baahnaayeen aanay helayn.

Stephanie Mariono oo shahaadada Doctorate ku haysa cilmiga caafimaadka, ayaa sheegtay in dareenka noocan ahi uu inta badan ku lammaan yahay calaamado kale. Tusaale ahaan waxa uu qofku dareemaa in isha ay wax ka mudayaan, in ilaysku uu dhibayo iyo in indhuhu ay ilmeeyaan.

Haddii aad tahay dadka waqtiga badan ku qaata eegista muraayadda Komhbiyuutarka, haddii socodkaaga gaadhi wadista ee safarrada ahi uu badan yahay ama akhriskaagu uu aad u badan yahay, waxaa hubaal ah in indhuhu ay marar badan engag dareemi doonaan, taas oo ugu dambaynta noqonaysa xanuun ay tahay in aad la noolaato. Dr. Stephanie dadka shaqadoodu sidan tahay waxa ay kula talinaysaa in ay joogteeyaan la socoshada dhakhtarka indhaha, si ay dawada ku habboon u helaan inta aanu xaalku xumaan.

Ilays iyo walxo sabbaynaya

Waxaa dhacda in dadka qaar ay arkaan baro yaryar oo midabkoodu caddaan yahay oo araggooda hor sabbaynaya. Dr. Stephanie waxa ay sheegaysaa barahaas lagu magacaabo, ‘Sabbeeyeyaasha isha’ inta badanna ay qarsoomaan marka uu qofku doono in uu u fiirsado.

Dr. Matthew Gorski ayaa sheegay in caadi ahaan ay ‘sabeeyeyaasha ishu’ yihiin arrin caadi ahaan ay arkaan dadka da’da weyni. Laakiin haddii arrintani ay yaraan ku timaaddo ama kediso noqoto ama uu qofku haba weynaado ee dareemo isbeddel ku jira sabbeeyeyaasha qaabkii uu uga bartay, ama uu arko ilays sida hillaaca indhihiisa marmar hor maraya oo aan run ahayn iyo haddii uu hadh ama dahaadh boodhe ah ka sokeeyo aragtida waxa ku xeeran, dhammaan arrimahaasi waa calaamado muujin kara in ay jirto cillad dhinaca shabakadda aragga ah, gaar ahaan kala fuq ku yimi ama dilaac.

Shabakadda ishu waa dabaqad nudo isu tegey ah oo ku jira qaybta dambe ee isha, kuwaas oo qabta seenyaaleyaasha ilayska ee aragga keenaya. Waxaa xusidu mudan qofku marka uu da’ ahaan weynaado ama nabar isha kaga dhaco in ay shabakadda araggu ka durugto isha inteeda dambe, taas oo haddii aan dhaqso loo daweyn keenta in aragga oo dhamiba tago.

Bar iyo Dhalaal

Meredith Klifto oo kaaliye Bare-sare oo dhiga caafimaadka indhaha ka ah jaamacadda caafimaadka ee ‘North Carolina’ oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa sheegtay mar kasta oo uu qofku da’ ahaan sii weynaadaba, in ay qaro weynaato bu’da aragga ee ‘Bikaacda’ loo yaqaannon. Maadaama oo ay qaybtani aragga qaabilsanaydna ballaadhashada ku timi waxa ay sababaysaa in aragga uu hadh galo ama caad ka soke maro.

Dr. Matthew Gorski ayaa intaas ku sii daraya in calaamadaha xilligan qofka lagu arko ay ka mid tahay baro madow oo aan jirin oo uu arko. Ilayska oo uu u adkaysan kari waayo ama xasaasiyad ku keena, habeenkii oo uu habeeno yeesho, taasina ay mararka qaarkood sababto in uu gaadhiga wadi kari waayo, iyo in aragyo isku jira uu il keliya ku arko. Xaaladahani in kasta oo ay da’da ku iman karaan, haddana mar kasta oo uu qofku isku arko waxa ay u baahan tahay in uu dhakhtar takhasus ah dhaqso ula kulmo.

Kaar

Dr. Matthew Gorski waxa uu sheegay garaac uu qofku isha ka dareemaa in ay tahay xaalad aan si qayaxan loo sheegi karin sabab keliya oo keentay, balse si guud u muujinaysa in ay tahay calaamad xanuun. Digtoorku waxa uu sheegay in xaaladaha xanuun ee garaacaas keena ay ka mid yihiin qarax ama dillaac ku yaalla xaydha isha (Isha qaybta cad) oo weynaaday, ama aragga oo daciifay.

Dakhtarku waxa uu ka digay caagga isha gudaheeda lagu dhejiyo ee muraayad ahaanta loo isticmaalo, isaga oo sheegay in uu inta badan sababo dillaac ku yimaadda isha qaybteeda xaydha ah. dillaacaas oo marka dambe weynaada.

Xasaasiyadda ilayska

Akademiyada Maraykanka ee caafimaadka indhaha ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in xasaasiyadda ilayska ay noqon karto calaamad muujinaysa in uu jiro caabuqa isha ku dhaca oo ah xanuunka loo yaqaanno ‘Eye herpes’, oo ay inta badan sababto bakteeriya magaceedu ‘Herpes’ yahay.

Bakteeriyada Herpes waa isla isirka bakteeriyo ee sababa dillaaca xilliga qaboobaha ku dhaca maqaarka.

Ilmada

Indha biyoodka ama ilmada oo indhaha si aan caadi ahay uga hoortaa waa calaamad muujinaysa in qofka ay ku dhacday xasaasiyada indhaha, ama xasaasiyadda ilaysku. Inta badan xasaasiyaddu waxa ay ku xidhan tahay xilliyada qaar, waxaana sababa ‘Manka’ hawada duulaya oo isha gala.

Laakiin waxaa jira sababo kale oo keeni kara xasaasiyadda, waxaa ka mid ah noole ilimaqabatay ah oo boodhka ku dhex jiraa hadidi uu isha galo, ama maaddooyin kulul ama gubasho keenaya oo isha gala, sida cadarka iyo qiiqa.

Manka, noolaha ilimaqabatayga ah ee boodhka ku dhexjira, qaar ka mid ah maaddooyinka ku jira qiiqa iyo cadarka iyo dhogorta xayawaanka oo dhammaantood xasaasiyad ku keena indhaha ayaa sida oo kale keena xasaasiyad guud, isla markaana xiiqda kiciya.

Caadka

In aragga uu caad ka soke maro waxaa keena sababo badan, oo ay ka mid tahay aragga oo daciifay oo u baahan in muraayad lagu kabo. Waana arrin da’ kastaba dhici karta, laakiin dadka waayeelka ah aad looga fisho. Gaar ahaan aragga dhow.

Dhinaca kale waxaa jira sababo khatar ah oo keeni kara dahaadhkaas ka soke maraya aragga waxa uu qofku eegayo. Waxaa ka mid ah labada xanuun ee Glaucoma iyo Macular degeneration oo inta badan da’da ku xidhiidhsan, suurtagalna ay tahay in ay indho la’aan keenaan.

Haddaba haddii aad dareento in araggaaga uu shucaac ama dahaadh marmar ka soke marayo, waxaa waajib kuug ah in aad sida ugu dhaqsaha badan dhakhtar ugu tagto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here