Ma Runbaa In Guddoomiyaha Golaha Guuridu Uu Xilka Iska Casilayo?

0
641

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyahah golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa warar soo baxay waxay sheegayaan inuu go’aansaday inuu iska casilo xilka guddoomiyaha golaha guurtida.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan is casilaada guddoomiye Saleban, laakiin wararkan ayaa 48kii saacadood ee u dambeeyay si weyn u baahayay.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in guddoomiye Saleban uu arrintan u sheegay Madaxweyne Biixi oo uu laba habeen ka hor kulan kula yeeshay Madaxtooyada. Laakiin guddoomiye Saleban oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo jiritaanka warkan ayaanay noo suurtogelin. Lamana garanayo jawaabta rasmiga ah ee haddii uu warkani rasmi yahay uu Madaxweyne Biixi ka bixiyay is casiladda la sheegay in guddoomiye Saleban ku wargeliyay.

Arrintan is casilaada ayaa haddii ay run noqoto waxa ay soo afjaraysaa 16 sannadood oo uu Saleban Maxamuud Aadan ahaa guddoomiyaha golaha guurtida oo ka soo bilaabmay sannadkii 2004, ka dib geeridii Alle haw naxariiste guddoomiyihii golahaas guurtida Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

Guddoomiyaha golaha guurtida, ayaa haddii uu kaga dhabeeyo is casilaadan, waxa la filayaa inuu is casilaadiisa u gudbiyo mudanayaasha golaha guurtida oo uu kalfadhigooda cusubi furmayo bisha February horaanteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here