Xaaladda Masar Oo Qasan Iyo Maxamed Mursi Oo Si Rasmi Ah Loo Xidhay

0
872

Picture3Mas'uuliyiinta dalka Masar ayaa si rasmi ah u xidhay   madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi.

Maxkamad ku taalla dalkaas ayaa xuukuntay in Mursi la xiro muddo 15 maalmood ah si su'aalo loo weydiiyo.

Waxaa loo haystaa dambiyo la sheegay in uu galay intii ay socdeen kacdoonkii lagaga soo horjeeday Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Xusn Mubarak laba sano ka hor.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo taageerayasha labada dhinac isugu soo baxeen fagaarayaasha wadanka Masar. Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee uu ka tirsanaa Mursi ayaa ku baaqey dibedbaxyo lagu dalbanayo in xukunka lagu soo celiyo Mursi. Waxaanay sheegeen in go’aankan cusub ee lagu xidhay Mursi uu muujinayo in maamulkii hore hayo shookaanta u hayo maamulkan cusub. Hoggaamiyaha diiniga Maxamad Badiic ayaa ugu baaqay taageerayaasha Mursi inay isu soo baxaan.

Xaaladda Masar ayaa sii adkaanaysa, waxaana war soo saaray madaxda Jaamacada As-har oo dhinacyada is haya ugu baaqay inay muujiyaan taxadar iyo in wada hadal la bilaabo. Laakiin ma muuqato in la dhagaysanayo talooyinkooda,

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay militeriga Masar inay soo daayaan madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Murs.

Ban Ki-Moon waxaa uu sidoo kale ku baaqay in la soo daayo madaxda ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee xidhan.

Dalka Masar ayaa laga cabsi qabaa inuu lugaha la galo dagaalo sokeeye. Waxaana si weyn isugu taamaya Wasiirka difaaca Masar Cabdifataax Al Sisi oo ah ninka riday Madaxweynihii Masar iyo madaxda Ikhwaanal Muslimiinka. Wasiirka difaaca ayaa dalbaday in loo ogolaado inuu la dagaalamo argagixisada, ikhwaanka ayaase talaabadaas ku tilmaamay mid lagu iclaaminayo dagaal sokeeye.