Ergo Salaadiin Ah Oo Isaga Dab Qaadaysa Madaxweynaha Iyo Golaha Toosinta Qaranka

0
768

Picture5Hargeysa(Geeska)-Ergo salaadiin ah oo ka kooban 17 xubnood oo ay iska dhex doorteen salaadiinta Somaliland, ayaa ku hawlan sidii ay isugu soo dhawayn lahaayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka.

Ergadan salaadiinta ah oo isaga dab qaadaysa labada dhinac, ayaa habeen hore la kulmay golaha wada tashiga, waxaanay ka dhagaysteen aragtidooda iyo mabaadiida golahoodan oo ay xukuumadu ka sastay. Sida ay ilo xogogaal ahi u sheegeen Geeska Afrika, siyaasiyiintan golaha samaystay waxay sheegeen inay isu bahaysteen toosinta talada dalka oo ay sheegeen inay aaminsanyihiin inay qaloocsantay, waxaanay meesha ka saareen eedaha ay xukuumadu u jeedisay ee ah inay dalka fawdo u horseedayaan. Sida uu warku sheegay siyaasiyiintani waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay horfadhiistaan Madaxweyne Siilaanyo una bandhigaan dhaliilaha iyo talooyinka ay u hayaan. Ergada salaadiinta ah ayuu warku sheegay inay dhambaalkaas gaadhsiiyeen Madaxweyne Siilaanyo, kana sugayaan inuu cayimo wakhtiga uu la kulmi karo golahan wada tashiga iyo toosinta qaranka, markaas oo ay goob joog noqon doonaan kooxdan salaadiinta ahi.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxa eeddo is dhaafsanayay xukuumadda iyo golahan siyaasiyiinta ah oo uu dhinacba dhinaca kale eeddo iyo weedho kulul u jeedinayay.