Xaaladda Amni Ee Liibiya Oo Jahowareer Gashay

0
518

Taliye kuxigeenkii sirdoonka Libya, Mustafa Nuux, ayaa la sii daayay maalin kaddib markii la afduubay

Mustafa waxaa lagu afduubay meel dibedda ka ah gegida diyaaradaha ee Triboli isagoo ka soo laabtay safar uu ku tegay dalka Turkiga.

Waxaa Triboli ku soo kordhaya xaaladaha ammaan darro iyadoo ay ku sugan yihiin dabley hubaysan oo aan ka amar qaadan dowladda.

Ra’iisalwasaaraha Libya Cali Zeydaan ayaa horey u sheegay inuu doonayo in dhamaan dableyda hubaysan laga saaro magaalada Triboli. Waxaanay odayaal dhaqameed u qabteen 72 saacadood.

Dableyda ugu xoogga badan ee ku sugan caasimadda waxay ka soo jeedaan magaalada Misraata ee ku taalla galbeedka dalkaas.

Kaddib maalmo ay muddaharaadayeen dadka casimadda degan, ayaa maamulka degmadaas ay ugu baaqey dablaydaas inay ka oo baxaan Triboli.

Waxa loogu baaqey in muddo saddex maalmood ah uga soo baxaan caasimadda dalka Libya.

Ugu yaraan 43 ruux ayaa ku dhimatay mar ay dadka degaanka qaarkood isku dayeen in magaalada ay ka bixiyaan dableyda hubaysan ee ka soo jeedda Misrata.

Dableydan oo loo yeqaanno Guutada Misraata ayaa ah tan ugu xogga badan dalkaas.

Triboli waxaa haatan ka socda saddex maalmood oo shaqo joojin ah kaddib xaalado ammaan darro oo magaalada ka dhacaysay tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas Mucammar Qadaafi.

Dhacdadii ugu dambeysay, dabley hubaysa ayaa afduub ku qabsaday taliye kuxigeenka sirdoonka dalkaas, Mustafa Nuux.