80 Qof Oo Ku Dhintay Shilal Ka Dhacay Ruushka Iyo Masar

0
509

Qaahira (Geeska) –  Ugu Yaraan 30 qof, ayaa ku dhintay shil tareen oo shalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Qaahira, ka dib markii Tareenka oo si xawli ah u socdaa uu jiidhay bas siday dad 30 ka badan.

Shilkan ayaa ka dhacay meel 40km u jirta koonfurta Caasimada Qaahira, waxaana la sheegay in dadka saarnaa gaadhiga baska ah ay u badnaayeen hal qoys kuwaasi oo kasoo noqday xaflad aroos ah.

Shilkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacay ugu yaraan 28 qof oo kale, kuwaasi oo ka mid ahaa dadka Baska saarnaa oo dhammaantood ahaa dad xidid iyo xigaal ah oo ka wada yimid arooska lamaane qoyskooda ah.

Shilkan tareen ayaan ahayn kii koowaad ee ka dhaca dlka Masar, balse muddo dheer ayaa waxa dalkaasi caadi ka noqday shilalka Tareenka ee keena khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah, waxaana shilallkan loo aaneeyaa dayactir la’aan baahsan oo ka jirta dhabaha xadiidka ah ee Tareenku maro, kuwaasi oo muddo nus qarni ka badan aan la dayactirin.

Shilkii ugu xumaa, ayaa waxa uu dhacay sanadkii ugu dambeeyay xukuumaddii Madaxwaynihii xukunka lagaga tuuray kacdoonta dadwayne Maxamed Xusni Mubarik, ka dib markii Tareen uu jiidhay bas siday ilaa 50 carruur arday ah, kuwaasi oo dhammaantood geeriyooday, wakhtigaasi waxa is casilay wasiirkii gaadiidhka.

Dhanka kale, shil diyaaradeed, ayaa ka dhacay Magaalada Kazan ee dalka Ruushka, waxaana shilkaasi ku dhintay 50 qof oo diyaaradaasi ku safrayey.

Diyaaradan oo ka soo kicitintay Magaalada Moscow ee Caasimada dalka Ruushka ayaa waxay soo dhacday qadar yar ka hor intayna soo cago dhigan Magaaladii ay ku socotay ee Kazan.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa la sheegay in markii ay dhulka ku soo dhacday uu dab xoog leh qabsaday taasi oo u suurto-gelin wayday ciidamada gurmadka inay badbaadiyaan dadkii diyaaradaasi saarnaa oo dhamaantood shilkan ku dhintay.