Faysal Cali Waraabe Oo Si Kulul U Weeraray Saleban-Gaal Iyo Milicsigiisa Wakhtiyadii Xisbiyada La Furayay

17
651

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa guddoomiyaha golaha guurtida ku dhaliilay in golahiisii oo dayacan uu hab qabiil kaga talinaayo xisbiga KULIMIYE.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in dooda qaran aanay ahayn shir beeleedka uu ku Sheegay gudoomiyaha golaha guurtidu, isaga oo ku duray guddoomiyaha guurtida inuu shir beeleedyada isaga lagu yiqiinay.

Waxa uu sidan ku sheegay Faysal Cali Waraabe,gudaha waraysi dheer oo uu la yeeshay Maxamed Axmed Muuse (Kuraase) oo ka tirsan HCTV,waxa sida oo kale waraysigaas uu ku dhaliilay qaabka ay xukuumaddu uga qayb qaadato wadooyinka dalka ka socda, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Sida uu sheegay gudoomiyaha golaha guuridu maaha shir beeleed ee waa dood qaran, shir beeleed guddoomiyaha guurtida ayaa wadan jiray aniguna waxaan wadan jiray habka asxbaata badan sidaas ayaanu ku kala calaamadsanahay.wPicture5axani waa dood qaran oo lagaga hadlaayo siyaasadeena dibada,qaybsanaanteena iyo qodaba muhiim ah waanay dhacaysaa,dawladaana hada wadahadalo la furnay oo aanu doonaynaa inaan ka saarno safka uu guddoomiyaha guurtidu galiyay, way dhacaysaa doodu waana danteena,anigu Faysal Cali ahaan wax Somaliland dhib u keenaya taariikhna kumaan lahayn inaan ku yeeshona dooni maayo, laakiin dalkeena oo wax ka xun yihiin indhaa ka qarsan maayo,aniga faa’ido gaar ah ma lihi ee faa’idadaydu waa ta guud ee dalka oo dhan, dawlada  hada ayaanu wada hadalo la furnay, waxanan leenahay maxaa ku jaban aynu tashano oo aad ka baqanaysaan, hadii aad leedihiin aan wada tashano waa fidno na taabsiiya, waa ay dhacaysaa haday dawladu ka soo qaybgashona waa wanaag hadii kalena waanu qabanaynaa, cid noo diidi kartaana ma jirto.”

Guddoomiye Faysal oo dhaliilaayay sida xukuumaddu  uga qayb qaadato wadooyinka dalka ka socda waxa uu yidhi“Boqarada Sucuudiga ayaan maqli jiray reer hebelow waxaanu idiinku deeqnay iyaga,hada inagu halkaas ayaynu soconaa,reer yar oo wado yar iska qodanaaya ayaa inta lacag loo qaado ayuu odhnayaa wasiir wadadiina waxaan ku daray 5-KM,siduu isagu jeebkiisa ka keenay, boqaradu iyagaa leh xoolaha,shidaalka iyo dalkaba,hada dawladeenan waxii dadka reer Somaliland lahaa ee cashuurtooda ahayd waxaad moodaa inay iyagu leeyahiin,Saaxil,Oodweyne,Dawgacad intaas inta la tago ayaa la odhanayaa waxaanu idiinku deeqnay, hada waxani waa waajibkoodii, loona baryi maayo,qaarbaa ka lahaa wadada Salaxlay intan joogtaa waa wada muxaafid sidaas ayaa loo laaluushayaa, dawlnimadeenii meeshay ka baxday oo nidaam qabiil ayaa socda,Saleebaan ayaa ka talinaaya KULMIYE arintiisii,Saleebaan ayaa ka talinaaya wadahadalada,Saleebaan guurtidiisii ayaa baaba’day lix bilood iyo sideed bilood ayuu iska maqnaanayaa, sharciga intaas uu ku maqnaanayaa halkuu ka jiraa.”

 

Comments are closed.