“Wixii Wanaagsan Ha Ku Diidina Dawlada Ee Ku Taageera” Co. Cumar Maxamuud Nimcaale

0
660

Hargeysa(Geeska)-Col. Cumar Maxamuud Nimcaale, oo xilal wasiirnimo ka soo qaybtay xukuumadii Alle haw naxariiste Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim (Cigaal), ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inaanay ka horimanin saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu horumar dalka u keenayo.

Col. Cumar, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo dawladiisa Djibouti uga mahadceliyay deeq gurmad ah oo ay soo gaadhsiiyeen dadka ay abaaruhu hayaan ee reer Somaliland “Waxaan doonayaa inaan madaxweynaha Djibouti iyo shicibka Djibouti aan uga mahadnaqo kaalmada weyn ee qaaliga ah ee ay u soo direen dadka reer Somaliland ee walaalahood ah ee abaartu hayso, umadda reer Somalilandna aad bay ugu mahadnaqayaan. Wadan horumaray weeye markii aan Telefishanada ka arkay alaabtaas badan ee ay soo direen reer Djibouti ayaa waxaan dib ugu noqday cajalada waxaanan xasuustay 1960 markii Somaliland xorriyadeeda Ingiriiska ka qaadatay ee ay maalmo ka dib iyagoo mindida daabkeeda haysta ay xorriyadoodii Somaliya ku dhex tuureen wixii ina qabsaday oo aan aad iyo aad uga murugooday, maantana ay weli ina daba taaganyihiin oo ay leeyihiin xataa xornimadii iyo inaan xaq u leenahay inaan aayaheena ka tashano oo ay cadaawad xoog leh ina tuseen, iyaguna maalintii ay Djibouti xorriaydeeda qaadatay waxay yidhaahdeen anangu mindidayada  cid kale iyo Somaliya u dhiibi mayno,  waxaan markaas is idhi malaha reer Djibouti way idinka caqli badanyihiin oo madaxweynahooda iyo shicibkoodii ayaa isku xidhan oo dantooda isku wada raacay.” sidaas ayuu yidhi Col Cumar.

Isagoo ka hadlaya dekedda Berbera iyo saldhiga, wuxuu yidhi  “Waxa kale oo haddana aan isu eegay, khayr ayaa Alle inala soo doontay oo dekedan yar ee labada markab inoo imanayaan bishii waxay yidhaahdeen  Imaaraadku waxaanu idiinku bedelaynaa mid adduunka oo dhami uu abaal idiinku hayo oo la idinku tixgelinayo oo markaakiib badani idiin imanayaan, qaar ayaa taas diiday, Djibouti markaan eegayna qoladaas UAE een leenahay waxba yaanay noo samaynin dhawr dekedood ayay u sameeyeen, madaxweynahooduna wuu ogolaaday shacabkooduna way ku raaceen.”

Isagoo saldhiga ka hadlaya wuxuu yidhi “Saldhigii ayaa isna yimid Djibouti 7 dawladood ayaa saldhigyo ku leh, maanta Djibouti cirkaas ayay maraysaa oo kumanaan qof ayaa shaqo ka helay dhaqaalahoodiina kor ayuu u kacay, mid ka horyimid shacabkiisu ma jiro, waa taas ay maanta gaadhsiiyeen inay boqolaal kun ilaa milyan dollar wax gaadha oo caawimo ah ina siiyaan, inaguna haddii wax ku dhacaan Djibouti ma hayno wax aan ku caawino.”

 Isagoo shacabka Somaliland farriin u diraya wuxuu Col. Cumar hadalkiisa ku soo koobay, “Farriinta aan shacabka u dirayaa waxa weeye waar aynu bal nimankaas Djibouti ku dayano shacabkooda oo wadankeenu kor  haw socdo ee wixii wanaagsan ha ku diidina dawladda oo wax walba  haka horimanana  ee aqbala oo waxaan tusaale keliya idinka siinayaa cadawgeenu waa Somaliya, iyagii ayaa ka xun oo aad iyo aad uga dhiidhiyay oo ka qaylinaya saldhiga iyo dekedda oo ashkato ka taagan, markay caynkaas iyagii yiiin maxaad u raacaysaa adoo reer Somaliland ah.”