Guddoomiye Cirro Oo Xalay Soo Booqday Xarunta Wargeyska Geeska Afrika

0
597

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay fiidkii booqasho ku  yimid xarunta Wargeyska Geeska Afrika.

Md. Cirro oo isagoo xusayay maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20 Febarwari, wuxuu kormeer kala duwan ku soo maray xarumaha warbaahinta Somaliland, isagoo hay’ad kasta xafiiskooda ku booqday, lana sheekaystay.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ka mid ah xarumaha uu soo booqday, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay guddoomiyaha wargeyska Geeska Afrika Md. Kamaal Axmed Cali, oo guddoomiye Cirro uga mahadceliyay booqashadiisa oo kadis ahayd, “Mudane guddoomiye ku soo dhawoow xarunta Wargeyska Geeska Afrika, waanan kaaga mahadcelinaynaa booqashadaadan aad na soo booqatay adoo ah guddoomiyihii golaha wakiilada ahna murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, waxaanan rajaynaynaa in adoo madaxweyne ahna aad na soo booqan doonto insha Allaah.” sidaas ayuu yidhi Kamaal Axmed Cali.

Guddoomiye Kamaal, wuxuu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ku soo wareejiyay xarunta wararka ee wargeyska Geeska Afrika iyo xafiisyada kale ee wargeyskaas, waxaana hadal uu jeediyay Md. Cirro uu ku yidhi, “Waxaan ku faraxsanahay inaan soo booqdo xarunta Wargeyska Geeska Afrika oo ah wargeysyada dalka ugu weyn, waxaanan salaamayaa dhammaan hawlwadeenada iyo guud ahaan dhallinyarada Somaliland.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro waxa kale oo uu booqday xarumaha telefishanada, wargeysyada iyo shabakadaha warbaahineed ee dalka ka jira.