Axmed Muumin Seed Booska Maka Cidhiidhsan Karaa Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare?

0
620

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane, ayaa muujiyay inaanu wax cabsi ah kursigiisa uga qabin in lagu bedelo guddoomiye-xigeenkii xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo dhawaan ku soo biiray xisbiga KULMIYE.

Md. Habane, oo shalay u waramay weriye Badri Kosar oo ka tirsan Star TV, wuxuu sheegay in dawladda ay u taalo cidda ay u diranayso hawlaha qaranka " Dawladu Cidii ay Diraneyso iyada ayaa ikhtiyaar u leh , ina Muumin Seed isku beel baanu nahay , xisbi mucaarid ah buu ka yimid , waanu soo dhaweynaynaa , madaxweynaha ayaa cid dirsada; cid iga wanaagsanina hadii ay jirto waa la diran doona.” sidaas ayuu Wasiir u yidhi si kalsooni leh.