Wiilkii Uu Qaddaafi Damacsanaa In Uu Xilka Dhaxalsiiyo Oo Xabsi Laga Sii Daayey Iyo Warar Is Khilaafsan Oo Ka Soo Baxaya Halka Uu Ku Dambeeyey

0
550

1Tropoli (geeska)- Kornayl Al-Cutayri oo ah taliyaha guutada Abu Bakar Saddiiq oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Liibiya ayaa dhowaan xaqiijiyey in xabsiga laga sii daayey Sayful-Islaam Qaddaafi oo uu dhalay hoggaamiyihii la dilay ee dalka Liibiya Mucammar Al-Qaddaafi lana aaminsanyahay in uu yahay ninka uu kursiga hoggaaminta dalka Liibiya u diyaarinayey.

Konaylku waxa uu sheegay in Sayful-Islaam Qaddaafi lagu sii daayey cafiskii guud ee dabayaaqadii sannadkii hore uu ansixiyey golaha wakiillada ee Liibiya oo ka jawaabayey dalab cafis oo uu soo hordhigay wasiirka caddaaladda ee xukuumaddii Cabdalla Thanyi Almabruuk, ee dalka Liibiya. Laakiin masuulkani waxa uu ka gaabsaday in uu sheego halka uu tegey ama ku dambeeyey Sayful-Islaam cafiska kadib, maadaama oo aanu ahayn qof caadi ah oo si nabadgelyo ah dalka isaga sii joogi kara, dad badan oo cadow ugu ah siyaabo kala duwanina jeclaan lahaayeen in ay gacanta ku dhigaan ama dilaan.

Si kastaba ha ahaato ee sida uu sheegayo war uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya, waxaa weli muran badani ka jiraa xaqiiqada sii deynta Sayful Islaam, iyada oo warar laga helay ciidanka Liibiyana ay sheegayaan in aan la sii deynin oo uu weli ku jiro xabsiga magaalada Santaaniya oo ka tirsan gobal  oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyo xooggan oo doonaya in ay iyagu gacanta ku dhigaan talada Liibiya ama qayb ka mid ah goostaan.

Toddobadii bishii Kulay ee sannadkii hore ayaa maxkamad kale oo ku taalla dalka Liibiya waxa ay dil ku xukuntay Sayful-Islaam oo ay ku eedaysay in uu geystay dembiyo dagaal oo ay ka mid yihiin in uu dilay dad la qabtay bilowgii kacdoonkii sannadkii 2011kii ee aakhirkii lagu riday xukuumaddii aabihii. Laakiin xoogagga Santaaniya ayaa muddadaasba diiddanaa in ay Sayful Islaam u gacan geliyaan maamul aan kooda ahayn, iyaga oo ku doodaya in aanay ku kalsoonayn in xukuumadda fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli ay dammaanad qaadi karto in aanu Sayful-Islaam xabsiga ka baxsan, waxase ay kooxdani xilligaas ogolaatay in talefishan toos la isaga arkayo oo u gaar ah maxkamadda ay ka soo muujinayaan Sayful-Islaam si uu uga qayb galo fadhiyada maxkamadda.

Xukuumadda cusub ee Liibiya oo lagu magacaabo xukuumadda Is-af-garadka ee waddaniga ah oo ay taageersantahay Qaramada Midoobey muddo saddex bilood imika laga joogana ka dhisnayd xarunta dalka Libiya ayaa dadaal adag ugu jirta in ay soo afjarto khilaafka daba dheeraaday ee Liibiya, dibna u soo celiso dawladnimadii oo ay ugu horreyso in ay gacanta ku dhigto hantidii danta guud oo ay ka mid yihiin ceelasha soo saara shidaalku.