Wiilkii Uu Askariga Booliska Ahi Dhaawacay Oo Shalay Geeriyooday

0
517

Picture4Hargeysa(Geeska)-Alle ha u naxariistee Axmed Dayib Cabdi Koorse, ayaa shalay cisbitaalka Hargeysa oo lagu dabiibayay ku geeriyooday kadib markii isagoo maxbuus ah boolisku toogtay.

Wiilkan ayaa geeriyooday subaxnimadii sabtidii shalay kadib markii subaxnimadii Jimcaha rasaas uu riday Askari ka tirsan booliska saldhiga Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa  maxbuuska ugu gashay qolkii uu saldhiga ka hurday oo uu dhaawac xumi gaadhay. Askariga ayaa rasaasta riday ayaa la sheegay inuu ku kala kaxaynayay laba maxbuus oo dagaalamay waxase ay xabadii haleeshay marxuumkan oo isagu markaas hurday.