Xildhibaan Dheeg Oo Lagu Taageeray Inuu Ka Baxo KULMIYE

0
503

Picture5Hargeysa (Geeska)-Salaadiinta, Aqoonyahanada, Madax-dhaqameedka, Wax-garadka iyo Aqoonyahanada Beesha Maxamed Da’uud oo ah Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yasiin Dheeg, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa shalay sameeyay  munaasibad aad u balaadhan oo ay ku soo dhaweeyayaan ka bixitaankii uu ka baxay Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye.

Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay, isla markaana Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yasiin Dheeg uu goob joog ka ahaa, oo Shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Suldaan Aadan Xasan Cabdilaahi, waxaanu sheegay inuu XIldhibaanka uga mahadnaqay ka bixitaanka uu ka baxay Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay inay dhab tahay in Madaxweynuhu aanu waxba u qaban beeshiisa, waxaanu tilmaamay inay isku tashanayaan, meesha dantooda ahna ay isku raaci doonaan, ugu horeyna waxa uu  yidhi  “Waxaan u mahadnaqayaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yasiin Dheeg, dhawaaqa uu soo gaadhsiiyey Beesha, Beeshuna ay ku taageertay, wey ku mahadsan tahay, waxa kale oo aan odhan lahaa Beesha Maxamed Da’uud waa Beel fac weyn, soo jireena Madaxweyne sida aad adiguba qirtay markii aynu is hor fadhinay, maalintii aynu wada hadalnay waxa aad qirtay in aanu ka qatanahay dawladaada, oo afar sanno iyo googo maraysa markaas, Sannadkan dambe iyo intii lagu kordhiyeyba kamaa soo muuqdaan, waxaana u malaynayaa inaanad wax dambena noo soo wadin,waxa aad intii horeba na sii weyday, waxa aan odhan lahaa Madaxweyne xaq ayaanu u leenahay sida ay dadkuba xaq u leeyihiin waayo cashuur bixiyey ayaanu nahay, oo dalka ayaanu wax ku leenahay, markaas cidna caayi maynay, cidna baanu ka tagnayna odhan mayno, cid baanu u tagnayna odhan mayno, Miyi, Magaalo iyo DIbaddaba marka aanu go’aan gaadhno halkii noo tan ah ayaanu raacayna, ee Madaxweyne adigana kaama soo muuqato waxa aad noo soo wado ee waanu tashaynaa ee sida aynu isku ogaano”

Suldaanka guud ee Beesha Maxamed Da’uud Suldaan  Maxamed Cabdilaahi oo isna halkaas ka hadlay ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey Dhalinyarada iyo Qurba jooga Beeshiisa, oo uu sheegay inay yihiin dad aad iskugu xidhan, oo dantooda, dalkooda iyo dadkooda ka fikiraya, xaalada guud ee beeshooda iyo waxa ay ku sugan yihiina ka warhaya, waxaanu kula dardaramay inay halkaas ka sii wadaan dadaalka, oo sidaas ay iskugu xidhnadaan, waxaanu sidoo kale mahadnaq balaadhan uu u soo jeediyey XIldihbaan Dheeg.