Shikadda Socdaalada Ee SALAAMA Oo Xustay Sannad Guuradeedii 1aad Ee Wakhtigii La Aas Aasay

0
513

Picture3Hargeysa(Geeska)-Munaasibad kooban oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo shirkadda Socdaalada goballada Somaliland ee SALAAMA BUS ay ku xusaysay sannad guuradeedii 1aad ee ka soo wareegtay sannad ka hor maalintii la aas aasay shirkaddaas, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa. Waxaana munaasibaddaas oo lagu qabtay xarunta shirkadda ee Hargeysa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha shirkadda SALAAMA BUS, mas’uuliyiinta, shaqaalaha shirkadda, macaamiil iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Madaxa maamulka gobalka Maroodi-jeex ee shirkadda SALAAMA BUS Mudane Axmed Haybe Maxamed oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey horumarka ballaadhan ee ay shirkadda SALAAMA BUS ku tallaabsatay muddadii sannadka ahayd ee ay jirtay, waxaana uu sheegay in shirkadda SALAAMA ay ka hawl-gasho dhammaanba goballada Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in ay sida oo kalena ay macaamiisha iyo bulshada Somaliland ay ugu adeegaan hufnaan iyo daacadnimo, waxaana uu tibaaxay in  horumar ay ka sameeyeen dhinaca gaadiidka oo ay dadka ugu adeegaan gaadiid raaxo iyo tayaba leh. “Waxaa Alleh mahaddii ah, in maanta(shalay) ahayd sannad ka hor maalintii la aas aasay shirkadda SALAAMA BUS, annagu ka shirkad ahaan muddadii aanu jirnay, waxaa aanu ka hawl-galnay dhammaanba goballada Somaliland oo aanu dadka ugu adeegno si hufnaani ku jirto, waxa kale oo aanu mudadaas ku faanaynaa in aanu horumarinay gaadiidka shirkadda oo ah kuwo raaxo iyo tayo leh. Waxa kale oo aan ugu bushaaraynaa dhammaanba macaamiisha iyo bulshada Somaliland in ay goor kasta ay shirkadda SALAAMA ka heli karaan qeybaha kala duwan ee Socdaalada ay u fidiyaan bulshada Somaliland. Shirkaddu waxa ay sii laban laabi doonta dedaalkeeda ku aadan u adeegidda bulshada Somaliland.”.Ayuu yidhi Axmed Haybe Maxamed. Dr.Boodhle oo ka mid ah macaamiisha shirkadda SALAAMA BUS sida tooska ah ugu xidhan, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa uga mahad celiyey mas’uuliyiinta shirkadda SALAAMA adeega ay bulshada u qabtaan, waxaana uu ku ammaanay in muddadii uu ku xidhnaa shirkadda SALAAMA in uu kala kulmay karti, hufnaan, daacadnimo, qiime jaban iyo daryeelid wanaaga xagga macamiisha iyo alaabadaba shirkadda ah oo uu sheegay in ay kaga fiican yihiin shirkadaha kale ee socdaalada. “Shirkadda SALAAMA muddadii ay jirtay, waan ku xidhnaa, waxaa laga yaaba in aan bishii 6 safar raaco aniga oo u raacaya Hargeysa ilaa Burco, runtii hufnaan iyo adeeg wanaagsan, iyo qiime jaban oo ay macaamiishooda ugu adeegayaan ayaan kala kulmaa, waxaa aan ku arkay shirkadda SALAAMA in ay macaamiishooda iy bulshadaba ugu adeegayaan daryeelid iyo ka war hayn xaga macmiilkooda ah, waa ay ku ammaanan yihiin kuna mahadsan yihiin in ay naftoodii, xooggoodii iyo maalkoodiiba ay u huraan in ay bulshada u fududaydiyaan xaga socdaalada”.Ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda SALAAMA BUS Mudane Cabdi Cumar Qaalib oo ugu danbeyntii halkaas ka hadlay, ayaa isna waxaa uu sheegay in muddadii ay jireen ay ka qeyb-qaateen isu socodka bulshooyinka Somaliland, sida oo kalena ay qeyb-laxaadeh ka qaateen doorka ay ku leeyihiin shaqo abuurka dhalllinyarada, waxaana uu tibaaxay in muddadii ay jireen ay shaqo abuur u sameeyeen  dhallinyar badan oo ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka. “Maanta oo ay ku began tahay maalintii aanu aas aasnay jirkadda SALAAMA, aad ayaanu ugu faraxasnahay, runtii muddii aanu jirnay, waxaanu ka qeyb qaadanay isu socodka bulshooyinka Somaliland, waxaanu runtii kor u qaadnay oo aanu doorkayagii nagaga aadanaa shaqo abuurka dhallinyarta ka galnay in aanu shirkadda SALAAMA ka shaqo galinay dhallinyar ka badan ilaa 50 shaqaale oo isagu jira kuwo jaamacadaha ka soo baxay iyo dugsiyada sareba, waxaana aanu rajaynaynaa in aanu dedaalka halkaas ka sii wadi doono muddada daneb haddii Alleh idmo Insha Allah.”.