Wiilkii Dunida Ugu Miisaanka Badnaa Oo 610 Kg Oo Uu Ahaa Hadda Ka Dhigay 68 Kg Oo Keliya

28
3620

Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Sucuudiga ayaa ku guulaystay in uu toban labaab hoos u dhigo miisaankiisa. Wiilkan oo lagu magacaabo Khaalid Shaaciri ayaa hore loogu aqoonsaday wiilka dhalinyarada ah ee ugu buuran adduunka oo dhan, waxa aanu aad u soo caan baxay markii sawirradiisa lagu baahiyey shabakadaha wararka ee internet ka iyo baraha bulshadu ku xidhiidho, iyada oo la arkayey muuqaallo muujinaya wiilkan oo sariir yaal ah miisaanka dartii, iyo isaga oo markii uu ka soo bixi kari waayey qolka gurigooda uu ka deggen yahay loo dalbaday wiish inta uu bannaanka soo istaagay kaidbna derbiga guriga ee shaaraca ku jeeda oo la dumiyey ka soo qaadaya wiilkan. Khaalid waxaa dhakhtarka la geeyey sannadkii 2013 ka kadib markii boqorkii xilligaas ee Sucuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdalcasiis uu amray in dhakhaatiir loo amro wax ka qabashada xaaladda wiilkan iyo daweyntiisa.
Wiishka Khaalid lagu soo dejiyey waxaa caawinayey 16 qof oo qaadista gacan ka geysanayey, markii dhulka loo soo dejiyeyna waxaa la saaray diyaarad gaar ah.
Bare-sare Caa’id Qaxdaani oo ah dhakhtarka xaaladda Khaalid sida gaarka ah ula socday ayaa soo bandhigay filim maqal iyo muuqaal ah oo muujinaya marxaladihii miisaan dhimista ahayd ee uu soo maray wiilkan da’da labaatanaadka ah ku jiray, oo miisaankiisu marka hore ahaa 610 kiiloogaraam. Nasiibwanaag imika xaalka Khaalid aad ayaa uu u fiican yahay, waxa aanu miisaankiisu hoos u sii socdaa 68 kiiloogaraam oo keliya.
Arrintan ayaa xiise gelisay warbaahinta iyo dadka barkulannada bulshada ku xidhiidha oo sawirradiisa hore iyo muuqaalkiisa hadda si aad ah ugu baahinayey baraha bulshadu iyo warbaahinta kalaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here