Wershada SBI Oo Beeralayda Dhaboolaq Ugu Deeqday 2050 Geed Oo Saytuun Ah

0
418

Picture4Hargeysa(Geeska)-Warshadda sharaabka ee SBI, ayaa deeq dhir ah gaadhsiisay deegaanka Dhaboolaq oo ka tirsan degmada Farawayne.

Dhirtan oo ahayd Saytuun ayay tiradeedu ahayd 2050, oo geed (Laba kun iyo konton geed], waxaana loo qaybiyay 22 beerood kuwaas oo beeri doono dhirtan. Warshadda sharaabka ee SBI ayaa dadkan beeralayda ah ugu deeqday dhirtan Saytuunka ah waxaanay u balan qaaday in ay ka iibsan doonto midhaha ka soo go’a dhirtan, si loo warshadeeyo oo sharaab looga dhigo.

Maamulaha guud ee Wershadda sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geele oo warbaahinta kula hadlay goobtan beeralaydu ay kula wareegaysay dhirta loogu deeqay,ayaa sheegay inay dhiirigalinayaan maalgashiga beeralayda,isla markaasna ay ku taageerayaan inay wax soo saar sameeyaan, sida oo kale waxa uu sheegay in ay beeralay badan oo dalka ah dhir ugu deeqi doonaan si ay warshaduna u isticmaasho midhahaas soo go’a,waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa odayaasha iyo beeralayda deegaanka Dhaboolaq, anaga oo ah warshada sharaabka ee SBI waxaanu halkan u nimi inaanu hir gelino mashruuc ah beerista dhirta Saytuunka oo aanu rajaynayno in sanadaha soo socda ay warshadu bilaabi doonto inay soo saarto sharaab cabitaan ah  oo ka kooban Saytuunkaas, waxaana loo baahan doonaa midho fara badan oo laga sameeyo sharaabkaas, markaas waxaanu doorbidnay in dalka wax soo saarkiisa aanu la kaashano  beeralayda dalka si way isugu xidhmaan warshada iyo beeralaydu, oo halkii aanu midhaha ka keeni lahayn wadamada dibada in dalka laga beero ka dibna ay wershadu isticmaasho.”

Maamulaha guud ee warshadda sharaabka ee SBI oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu maanta halkan  keenay 2050 geed oo Saytuun ah oo aanu ilaa lix bilood  aanu ku xanaanaynay warshada Jaleelo, markaa waxaanu doonaynaa inaanu beeralayda dalka oo dhan ay nala wadaagaan wax soo saarka dalka, waxaanu ka bilawnay deegaanka Dhaboolaq  oo ka tirsan degmada Fara Wayne, dhirtaasna waxa wajiga hore loo qaybin doono 22 beeralay ah waxaanu rajaynaynaa inay sii balaadhato  oo ay dalka oo dhan wada gaadho iyada oo loo soo jeedsanayo dhinaca wax soo saarka.”

Ugu danbayntiina maamulaha guud ee warshadda sharaabka SBI Mustafe Cismaan Geele waxa uu sheegay inay dhirtan gaadhsiin doonaan dalka, waxaanu carabka ku dhuftay inay warshadu iyada oo tix gelinaysa wax soo saarka dalka ay beeralayda ka iibsan doonto midhaha ka soo go’a beeraha Saytuunka waxaanu yidhi “Marka hore shirkad ahaan waxaanu nin walba ku caawin doonaa dhirtan nin walba inta taagiisa ah; ka dibna waxaanu galaynaa heshiis ah in marka  ay dhirtani midho dhasho ay warshada sharaabku kaga iibsato qiimo la mid ah ka ay suuqa kaga iibinayeen, caalamkuna waxa uu ku xidhan yahay oo laf dhabar u ah wax soo saarka, wax soo saarka dalkeenuna haddii aanu haysan warshado ka faa’iidaysta oo isticmaala wax soo saarka beeraha khasaare ayuu ku danbeeyaa, oo suura gal maaha in waxa beeeraha ka soo go’a lagu iibsado suuqa dhamaantii, waxaana muhiim ah in la helo warshado iibsada wax soo saarka dalka, waxaanu jecelnahay inaanu kaalintaas buuxino oo aanu dalka iyo dadkaba uga faa’iidayno.”

Sidoo kale Axmed Cabdi Nuur oo ka mid ah beeralayda deegaanka Dhaboolaq  ee degmada Farawayne oo isaguna dhinaciisa ka hadlay deeqdan dhirta ah ee ay soo gaadhsiiyeen maamulka warshada sharaabka ee SBI waxa uu  sheegay inay deeqdani ka qayb qaadan doonto inay kor u qaadaan wax soo saarkooda waxaanu yidhi “Marka hore waxaanu u mahad naqaynaa warshada SBI oo maanta halkan nagu soo gaadhsiisay 2050 geed oo Saytuun ah, haddii aanu nahay dadka beeralayda ah ee reer Dhaboolaq, runtiina waa deeq aad u wanaagsan  waa deeqdii ugu horaysay ee nooga timaada shirkad wadaniya anaguna waxaanu balan qaadaynaa inaanu kordhin doono wax soo saarkayaga, anaga oo si dhab ah u xanaanayn-doono dhirtan.”

Sidoo kale Cabdilaahi Shaqale Cismaan oo isaguna ka mid ah odayaasha reer Dhoobo-oloq ee beeralayda ah oo isaguna ka hadlay deeqdan dhirta ah ee ay soo gaadhsiisay warshada sharaabka ee SBI ayaa sheegay inay ku dedaali doonaan sidii ay dhirtan u xanaanayn lahaayeen isla markaana ay wax soo saarkooda kor ugu  qaadi lahayeen.