Maxkamdda Hargeysa Oo Sii Daysay Dhallinyaro Loo Haystay Samaynta Basaborka Somaliya

0
567

maxkamadda-HargeysaHargeysa (Geeska) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xoriyaddoodii u soo celisay shan dhalinyaro ah oo muddo 45 Maalmood ah xarunta dambi-baadhista ee CID-da ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo ku eedaysnaa inay Hargeysa ku bixinayeen baasaaboorka Soomaaliya oo Somaliland laga Mabnuucay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Maxamed Cabdilaahi, ayaa go’aan uu soo saaray doraad, waxa uu taliyaha Ciidamada Dambi-baadhista ku amray inay siidaayaan shanta dhalinyarada ah oo xidhnaa muddo 45 Maalmood.

Go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo nuqul ka mid ahw warbaahintu baahisay ayaa u qornaa sidan:-

Ku: Taliyaha Qaybta Baadhista Danbiyadda C.I.D

Ujeedo:- Amar sii dayn Eedaysanayaal

Maxkamadda Gobolka M/jeex Hargeysa waxay idinku Amraysaa in aad sii daysaan eedaysanayaasha magacyadoodu kala yihiin:-

1. Hinda Nuur Cige ina khadra C/laahi L/28 jir

2. Maxamed Nuur Cumar Ina Caasha X Daahir L/26 jir

3. Khaalid Maxamed Nuur Ina Tiriig Cabdi L/25 jir

4. Mahad Ismaaciil Cabdi Ina Caasha Maxamuud L/23 jir

5. Barkhad Sh Xuseen Barkhad Ina Khadra Xuseen L/29 jir

Kuwaas oo ku Eedaysan Qoddobka 372,370,3666,XCG

Ka dib markii ay Maxkamadu xorriyadoodii u celisay isla maanta 17/11/2013, maadaama ay wax danbi ah ku cadaan waayeen.

Sidaa darteed waxay Maxkamadda Gobolka M/Jeex Hargeysa idinku amraysaa inaad sii daysaan eedaysanayaasha magacyadoodu sare ku xusan yihiin isla maanta oo ay bishu tahay 16/11/2013

Wa Bilaahi Tawfiiq

Faysal C/laahi Ismaaciil

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka M/Jeex

Amarka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku sii daayey shantan dhalinyarada ah ayaa timid, ka dib markii xeer ilaalintu wax caddayn ah u keeni wayday dambiga loo haystay.