Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Beeniyey In Xafiiskiisu Bixiyo Baasaaboorka Soomaaliya

0
621

Picture3Hargeysa (Geeska) – Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, ayaa beeniyey warar sheegay in xafiiskiisa laga bixiyo E-Pastport-ka Soomaaliya, kaasi oo hore xukuumadda Somaliland dalka uga mabnuucday.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in Baasaaboorka Soomaaliya ay bixiyaan, isaga oo sidoo kalena beeniyey inuu wax gacan ah ku lahaa in la siidaayo dad Hargeysa ugu xidhnaa inay Baasaaboorka Soomaaliya ay Hargeysa ku bixiyaan.

Maxamed Cali Yuusuf, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi  “Xafiiska laanta socdaalka Somaliland wuxuu bixiyaa baasaaboorka uu leedahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu tago dhawr iyo toban dal  iyo meel kasta oo Fiisaha lagaga heli karo Maraykanka ilaa Ingiriiska, Wixii aan Baasaaboorkaa ahayna dalka waa ka mabnuuc, sidii ay horeba ugu dhawaaqday Wasaarrada arrimaha guduhu, wax kale oo aanu aqoonsanahayna ma jiraan”

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, waxa uu xaaraan ku tilmaamay E-pastport-ka Soomaaliya “Waa Xaaraan E-pasport Soomaaliya, kan (Baasaaboorka Somaliland) ayaan bixiyaa, nin kan bixiyaana mid kale ma aaminsana” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo sharaxaya E-pasport Somaliland yeelanayso “Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa diyaarisay in sanadkan gudahiisa aanu soo saarno E-pastport-ka Somaliland oo Koombuutarku akhriyi karo, adduunkana laga aamini karo, waxaanan rejaynayaa in inta aanu sanadkani dhammaanin aanu ku hello samayntiisa iyo weliba aderayska waddanka (Country Code), dalal badana way nagu dhiirigaliyeen inaanu samayno, shirkaddo badan oo adduunka u sameeya Baasaabooradana xidhiidh baanu la leenahay, markaa waxaanu rejaynaynaa inaanu Baasaaboorkaasi soo saarno intaanu sanadku dhamaanin, dhaqaale wanaagsana Wasaaradda Maaliyadda ayaa u qorshaysay oo meel u dhigtay, dadka dacaayada raqiiska ah fidinayaana waxay ka ooyayaan E-Baasaaboorka dalka u soo baxaya”

Taliyaha laanta socdaalka oo la waydiiyay in isaga iyo Masuuliyiin kale oo xukuumadda ahi ka dambeeyeen siidaynta dad ku eedaysnaa inay Baasaaboorka Soomaaliya Hargeysa ka bixiyaan, ayaa ku jawaabay “Warkaasi wax ka jiraa ma jiraan, Xukuumadda iyo Wasaarrada arrimaha gudaha oo aan Wakiil uga ahayn Xafiiska Laanta socdaalka ee leh booliska ee sirdoonka leh ee hay’adaha badan ee ammaanka leh, ayaa soo xidhay, Laanta socdaalka oo boolisku hogaaminayo ayaa gacantayada CID-da ku xidhnay, dawladda ayay u taalaa siyaasadda ka dambaysa iyo siidayntooduba, laakiin annagu hawlgalkaa waanu fushanay”