Weriye Xalay Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

0
711

sorryLascanod(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa xalay cawayskii lagu toogtay magaalada Lascanod ee xarunta gobalka Sool weriyihii Telefishanka Universal u fadhiyay magaaladaas Marxuum Axmed Saakin Faarax.

Saxafigta waxa toogtay rag hubaysan oo la beegsaday rasaas, waxaana dhaawaciisa loola cararay cisbitaalka Lascanod oo uu ku geeriyooday. Si rasmi ah looma garanayo cidda fulisay dilka weriyaha, waxase loo tirinayaa kooxaha hubaysan ee gobalkaas ka ugaadhsan jiray masuuliyiinta Somaliland.

Kooxda khaatumo ayaa hore ugu hanjabtay weriye Cabdiqadni Gadari oo dartood uga soo cararay magaalada Lascanod, imikana ku sugan Hargeysa, waxaanay madaxdiisa dul dhigeen lacag.   Weriyaha la dilay waxa la filayaa in maanta lagu aaso magaalada Lascanod.

Geesta kale, ururka saxaafadda ee SOLJA ayaa cambaareeyay falkaas dilka ah, waxaanu xoghayaha guud ee ururka SOLJA Maxamed-Rashid Muxumed Faarax, ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan cidda saxafigaas dishay si sharciga loo horgeeyo.