Dugsiga Ay Dhigtaan Hablaha Barak Obama Oo Dadkii Laga Daad-Guriyeey Kadib Markii Uu Soo Dhacay Talefan La Garan Waayey: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
649

Picture1Washington (Googooska Geeska)- Haweenayda maamulaha ka ah dugsida Sidwell Friends ee magaalada Washington ayaa sheegtay in waqti kooban oo ka mid ah maalintii khamiista ee toddobaadkii tegey in dugsiga laga daad gureeyey ardayda iyo dhammaan shaqaalaha arrimo amni awgeed. Maauluhu waxa ay sheegtay in dugsigan oo ay dhigtaan labada hablood ee uu dhalay madaxweynaha dalka Maraykanka xaaladdiisa amni laga shakiyey markii talefan laga shakiyey uu soo garaacay xafiiska maamulka ee dugsiga. Waxaa sidoo kale dadkii deggenaa laga daad gureeyey dhismayaal isla dugsigu leeyahay oo ku yaallay isla shaaraca.

Sasha Obama oo 11 jir ah iyo walaasheed Malia Obama oo 14 sano jir ah ayaa dugsigan wax ka barta, waana sababta keentay in si gaar ah loo ilaaliyo amniga dugsiga, laakiin sida uu maamulka dugsigu ku faafiyey bogga Internet ka ee dugsiga, booliiska ayaa markii ay hubiyeen in cabsi aanay jirin waqti gaaban kadib shaqaalihii iyo ardaydii u fasaxay in ay dugsiga ku noqdaan.

Dugsiga Sidwell Friends oo ah dugsi aad u ballaadhan oo ay dhigtaan arday mustawahoodu u dhaxeeyo fasallada diyaarinta iyo daryeelka (KG) illaa fasalka koowaad ee dugsiga sare wax faahfaahin ah oo dheeraada kamuu bixin waxa dhacay iyo talefanka laga shakiyey waxa uu ahaa iyo sida uu ku yimi. Booliiska oo arrintan si kooban uga hadlayna waxa uu sheegay in imika xaaladdu dabiici tahay dugsiguna waajibaadkiisii shaqo uu si hab-sami ah u wato. Guriga cad ee dalka Maraykanka ayaa isna ka warramidda arrintan oo wax laga weydiiyey iskaga riixay dhinaca saraakiisha amniga.