Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa:Qaybta 12aad Ee Maalin-qorkii Boobe

18
855

bobeJaalliyadda reer Somaliland ee Juba ku nooli waxay ii sheegeen in ay diyaar u yihiin xataa in ay wax ka bixiyaan oo qaadhaamaan kharashka ku baxaya xafiiska wakiilka Somaliland ee halkaa loo soo diro. Mushkiladda ugu weyn ee haysatay waxay ahayd arrinta  la xidhiidha baasaaboorrada oo haddii loo gurman waayo ay magan uga noqon doonaan Safaaradda Soomaaliya ee Juba.

Juba, waxa la ii sheegay in calanka Jamhuuriyadda Somaliland weli ka taagan yahay isaga oo ku dhex jira calammada adduunka. Waxa intaa la iigu daray in calankii hore googo’ay oo ay mid cusub ku beddeleen. Waxay jaaliyadda Somaliland ee Juba ku nooli aad uga xumeyd in aanay xukuumadda Somaliland xusuusan kana soo qay-gelin xuskii sannad-guuradii labaad ee looga dabbaal-degay Koonfurta Soodaan. Baasaboorka Somaliland Juba marti kuma aha cidina wax ku weydiin meyso ee shaabbadda markaaba waa laguugu dhufanayaa. Mujaahidiinta marka aad sheekada isla heshaanna, xaalkuba waa dhag oo is-af-garasho la yaab leh ayaa dhacaysa.

Dadku aad ayay u jeclaysteen wefdigii Somaliland ee ka qayb-galay dabbaal-degyadii maalinta xornimada ee Koonfurta Soodaan. Sidaas oo ay tahay haddana jaaliyadda Somaliland booqashadaasi xusuuso kale oo aan weli xiskooda ka tirmin ayay kaga tagtay oo ay tahay in duruus laga barto. Si habaqle ah oo aan habaysnayn oo aanay tirada iyo ujeeddada wefdiguba caddayn ayaa lagu tegay. Markaasaa meel la kala seexdo la waayay. Immika oo ay sannad jirtay oo aanu dabbaal-deg jirin ayaan Juba laga helayn meel la seexdo. Waa habaqlihii London lagu tegay habaqlihiisii. Biil-maalmeed iyo gacan-maris aabbihii goblamay ayaan dadkii looga taag-helayn, madaxdiina aanay ka joojinayn. Inta aynu dan gaar ahaaneed daba soconno, haddii aynu danta guud ka shaqayn lahayn maxaa inaga xumaan lahaa!

Markaa wefdi baa baxaya la maqlo ayaa Madaxaweynaha saf loo gelayaa oo mid waliba sheeganayaa sababo gaar ahaaneed oo ay tahay in wefdiga loogu daro. Cid dantii guud masilaysa oo wax kala hortaa ma jirto. In qofka maya lagu yidhaahdaa waa wax aad iyo aad ugu adag madaxda Qarankeenna. Sidaas ayay dantii guud ku luntay. Xataa mararka qaarkood dad aan dhoofin ayaa kharashka qaata oo aan cidina ka soo celin marka la ogaado in aanay meelna tegayn. Maxaad se kaga daali mararka qaarkood iyaga oo la og yahay in aanay dhoofaynba ayaa laga yaabaa in la siiyo e’. Wakiilkii Somaliland ee Juba fadhiisan lahaa muddo ayuu magacaaban yahay inta badanna waxaad arkaysaa isaga oo meelahaa meeraysanaya oo aanay cidina waxba u diranayn. Haddana sida la sheegayo ictiraafkii waa la inoogu maqan yahay, ictiraaf Jabhadda Koonfurta Soodaan xukunta ka dhowna garan maayo. Waa halkii Gaarriye e’: “Garo’ oo wax baa si ah.”

 

Booqashadii Koonfurta Soodaan intaa aan kaga baxno, waad u yar baahnaydeen nasashada iyo in aad dibadahana wax ka ogaataan. Sheekadaa an soo xidho.

Teennii ku soo noqo iyo taxanaheennii.

Qaylo-dhaantu ma yara. Dhawaaqyada ugu badan ee igu soo dhacayaa waa qaar loo xiddigiyay oo aan is-idhi xarafka ‘Ga’da ayaa loo irkaday. ‘E-maillada’ iyo tilifoonnada igu soo dhacayaa ee dhinaca inta taxanahan dhibsatay ka imanayaa, waxay u badan yihiin: Soo gaabi, soo gunaanad,soo gebagebeeiyo waxaad haysaba mar soo wada genbi. Maanta heerka aynu marayno qofna iguma laha qoraalladan jooji, in kasta oo inta xumaha dalkan iyo dadkan jeceli joojintiisa u codeyn lahayd. Maxaa se idinka galay wax kasta oo ay la yimaaddaanba “Veto” ayaa la saarayaaye.

Anna waxaan ugu jawaabaa: “Maxaan soo genbiyaa maba aan bilaabin e’.”Inta saska iyo sakatigaba qabtaa waa inta u heellan hadimada iyo hagardaamada Qarankan aan weli la aqoonsan ee badbaadada iyo ilaalintaba u baahan. Ma waxay moodayaan in aan qalinka u qaatay ka-sheekaynta waxyaabihihii ka dhacay Wasaaradda Warfaafinta? Sheekadu tahan ayay ka durugsan tahay. Dhaar iyo nidarba waa lagu maray. Dalka iyo dadka badbaadintoodii ayaa bilow ah. Ma aha maqaallo dhammaanaya iyo qormooyin la soo qarqoori doono. Xaalku waa geeddi-socod (process)bilaabmay oo qalin iyo qowlba ah. Haddii aan sidii Hadraawi iyo Gaarriye dabka ugu xiddigiyo, geeddi-socodkan sidan ayaan u sifayn lahaa:

“Murti gooli-baadhoo,

 Gibil saran weeyaan,

 Gudban iyo shax weeyaan,

 Gunaad biiray weeyoo,

 Gumuc lala dhacaayoo,

 Umal gaaxday weeyaan,

 Gubashiyo ladh weeyaan,

 Gocashiyo dan weeyaan,

 Gabay iyo xil weeyaan,

 Bahal loo gabbanayoo,

 Nin geddiis yaqaannaa,

 U gurguuranaayoo,

 Gaadaayo weeyaan,”

 

Hadda waxaanu xiganaynay maansadii Gol-janno ee Hadraawi. Ma gabay iyo geeraar ayaynu waayaynaa. Kuwii horaa buuxa, kuwo danbaa yaal, raadcaduna ma daallana. Abwaankii Cabdi Iidaan Faarax isagana waxa laga hayaa:

“Dorraad iyo shalay-jire,

 Doorka maanta noo-jire,

 Dib-u-jire hadhow-jire,

 Ninba weel u daray baa,

 Deyn loogu leeyahay,

 Diiwaanka Qarankiyo,

 Taariikhdu dug ma leh,”

 

Waxaan soo noqday 26/8/2012kaka dib markii aan hawlo caafimaad u soo joogay Addis-Ababa muddo oo geeridii Meles Zenawina nagu soo gaadhay. War iguma seegganayn Wasaaradda oo e-maillada iyo tilifoonaduba waa ay taxnaayeen, si fiicanna waa ay u xidhiidhsanaayeen.

Intii aan Addis-Ababa joogay ayaan ku war helay in Idaacad siddeedaadoo la jitaabiyay oo FM ah la dhex dhigay Radio Hargeysa. Idaacadaha rasmiga ah ee Wasaaradda u diiwaan-gashan ee sida rasmiga ah u dhex yaallaa waa: FM BBC, FM VOA, saddex FM oo dawladdu leedahay, laba hirarka gaaban ah (Short Wave) oo 100 kw iyo 25 kw kala ah oo ay iyagana dawladdu leedahay. Maalintii aan xilka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta tirsanayay, waxa xarunta diyaar ku ahayd in la rakibo Idaacad ay leedahay Star FM.Maa daama aanan haynin wax xeer ah oo fasaxaya Idaacado dalka laga furo oo weliba radio Hargeysa lagu dhex rakibo, waxaan ka talo-geliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aanu go’aaminnay in aan la rakibin. Sidii ayaan idaacaddii Star FMkaga saarnay Radio Hargeysa. Araajida lagu dalbanayo Idaacado cusub oo ay dadku furtaanna waa ilaa dhowr iyo toban codsi. Markaa anigu Wasiir ahaan ma aan oggolaan karayn in ay Idaacad kale timaaddo meesha.Xeerkii Idaacadahaa iyo furashadooda lagu maamulayay wuxu hor yaallaa Golaha Wakiillada.

26/8/2012ka: Madaarka Berbera ayaan ka soo degay galabnimadii aniga oo ka imid Juba, xarunta Koonfurta Soodaan iyo Addis-Ababa oo aan caafimaad u soo maray.

(La soco…………………)

Comments are closed.