Weriye Muha oo lagu maamuusay shahaado Sharafeed Doctorate Ah

2
780

rrr88rrrAddis Ababa(Geeska)-Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo shalay lagu qabtay xarunta Midowga Afrika ayaa waxa shahaado sharafeed Doctorate ah lagu guddoonsiiyay weriye Muha Daahir Faarax Jire oo ah saxafiyad reer Somaliland ah oo muddo saddex sannadood ahayd guddoomiyaha ururka saxaafadda qaaradda Afrika.

Xafladaas oo lagu qabtay xarunta Midowga Afrika, waxa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee dalka Gaana Mr. Jerry Rallings oo ah sarkaal sare oo ka tirsan midowga Afrika, waxaanay weriye Muha xafladaas ku wareejisay xilkii guddoonka saxaafadda Afrika oo ay ku wareejisay weriye kale oo Afrikaan ah ka dib markii ay haysay muddo saddex sannadood ah. Waxaana bilad sharafeedaas ku saxeexan safiirka dalka Mauritius ee midowga Afrika Danjire  Premdut  Doongoor oo wakiil ka ah dawladiisa iyo jaamacadaha kala duwan ee dalkaas oo iyagu bixiya shahaado sharafeedka Doctorate-ka ah. Dalka Mauritius ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee aqoonta iyo cilmiga si weyn looga tixgeliyo. Waxaanay sheegeen inay weriye Muha shahaadadan ku mutaysatay dedaalkeeda ay ka gaysatay horumarinta saxaafadda qaaradda Afrika iyo weliba kaalinta ay kaga jirto xoojinta nabadda iyo Dimuqraadiyadda dalalka Afrika.

 

rrrrrr

 

Weriye Muha oo xafladii guddoonsiinta shahaadadan hadal ka jeedisay ayaa waxa ay ka mahadcelisay shahaado sharafeedka loo gartay “Waxay ii tahay karamu,sharaf iyo maamuusid xad dhaaf ah oo ay igu maamuseen qayb weyn oo noloshayda ka mid ah inaan manta halkakan idinkula wada kulmo, anigoo ogsoon in Aqoon waayo aragnimo iyo khibradba la iga badsado ayaa hadana waxa mudo 3 sanadood kahor ah halkan aan ku gudoomey Xilka gudoominta walalahayga sharafta mudan ee aanu isku jilibka nahay dhinaca mihnadan warbaahinta, waxay ahayd rutnii howl culeyskeeda leh, Allah se waa igu guuleyey oo waxay noo ahayd howl laga midaysanyahay waxtarkeeda ,iyo dhibkeedaba, waxanan uga mahadcelinayaa dalka Xarunta guud aanu ku lahayn ee sida qiimaha leh noo socod baray,barbaariyay nagana yeelay in manta ay JAR cagaheeda ku istaagto.” ayay tidhi weriye Muha, waxaanay intaas raacisay “Waxan Dowlada Ethiopia si kal ah uga mahadcelinayaa anigoo ku hadlaya idil ahaan warbaahinta Qarada sida ay u dhiiri galisey warbaahintii Africa ugana yeeshey mid kalsoni,karti iyo waxqabad ku talabsata Qarada gudaheeda, waxanan marlabaad ugu hanbalyaynayaa Raisal Wasare Ato.

Meles Zenawi oo aanu u aragney inuu Qaarada aad isaga xil saarey guud ahaan ,Magaca Itoobiya,Geeska Africa iyo welibana sumcad uga yagleelay guud ahaan calamka, Halkani(Ethiopia waa halkii uu ku dhashey ururkii Midowga Africa 1964tii, waxaxana marag madoon ah in hogmiyayaal badani waxkusoo barteen ama kusoo jabhadeeyeen cariga Ethiopia oo mantana ah hogamiyayaasha Qaradan, markaa taariikhda qawiga ah eeDalkan ayuu kor u qaadey anagana ka warbaahin ahaan xukumadu waxay haben iyo malinba noo garab istaagtey si hagarla aan ah, Waxan filayaa halyayadii xoriyada ee Qarada oon ka xusi karo Kwame Nakruma oo wakhtigaa u halgamayay sidii ay Afric auga madaxbanan lahayd Gumaystaha sidisii ayuu manta Hogaanka Ethiopia ugu halgamaa sidii idil qaaradu ay uga madaxbanan lahayd, Faqriga, Dib usocodka iyo Macaluusha ay degaaladu sababaan oo warbaahintuna ay qayb ku leedaahay oo siday dhismaha ugu leedahay ayay burburkana waliba kaalin weyn ugu leedahay, Moha Farah Jire waxay u Mahad celisey wasiirka warfafinta Mr. Bereket Simon oy xustey inuu si furfurnaani ku dheehantahay ugala howl galay ,heelanaana hadh iyo habeen howlahii warbaahineed ee ay JAR waday 3 dii sano e u danbeyey.”

Xafladii shahaado sharafeeda lagu guddoonsiiyay ayaa waxa iyaguna ka hadlay masuliyiin kale oo ka tirsan midowga Afrika oo weriye Muha ku ammaanay dedaalkeeda, waana markii u horaysay ee uu saxafi reer Somaliland ahi heerkaas gaadho.

 

Comments are closed.