Madaxweynaha Oo Wasiiro U Diraya Gobalada Bari Ee Dalka

1
772

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa go’aamiyay in wefti isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo shakhsiyaad kale loo diro saddexda gobal ee bariga Somaliland ee kala ah Sool, Sanaag iyo Togdheer.

Weftigan oo aan ujeedada safarkooda la shaacin ayaa sida ay ilo xogogaali u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika waxa ay ujeedadoodu tahay xogogaal u noqoshada xaaladda siyaasadeed ee gobaladaas iyo weliba sidii dadweynaha saddexdaas gobal loogu dhiirigelin lahaa difaaca qaranimada Somaliland iyo inay iska ilaaliyaan wax kasta oo khalkhal iyo kala qaybin ku keenaya. Weftiga gobalka sanaag u kicitimi doona ayaa kala ah wasiirada duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo ku xigeenka maaliyadda Warsame Siciid.

Gobalka Togdheer waxa iyaguna u kicitimi doona Wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Xildhibaan Cali Mareexaan iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye. Halka gobalka Sool ay isna tegi doonaan wasiirada warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo ka maqan caasimadda iyo ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif.

Wufuudan kala duwan ayaa waxa la filayaa inay sida ugu dhaqsaha badan ugu baxaan gobaladaas, waxaanu safarkoodu ku soo beegmayaa iyadoo uu magaalada Taleex ka socdo shir liddi ku ah qaranimada Somaliland.

Comments are closed.