Geeska Afrika Iyo Lafo-gurka Khudbadii Madaxweynaha

6
885

IMG_0811eeHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay labada gole Baarlamaan u jeediyay khudbadiisii distoorku waajibiyay ee sannadlaha ahayd, waxaanu jeediyay khudbad isugu jirtay laba weji oo kala ah warbixinta xukuumadda ee sannadkii tagay iyo qorshe sannadkeedka 2012 ee xukuumadiisa.

Khudbadaas oo uu Madaxweynuhu ka akhriyay buug yar oo ka kooban 34 bog, waxa ay noqotay khudbadii ugu horaysay ee ay dadweynaha Somaliland si isku mid ah ugu dheg taagayeen, iyadoo ay taas sabab u ahayd xaaladda ka taagan degmada Taleex ee gobalka Sool oo uu ka socdo shir siyaasadeed lagaga dhawaaqay maamul ka madaxbanaan qaranka Somaliland, qodobka keliya ee sida weyn ay bulshadu u sugaysay wuxuu ahaa inuu cadeeyo  mawqifka xukuumadiisa  ee  shirkaas iyo qorshaha uu ku waajahayo. Hase yeeshe dad badan ayaa candhuuftooda dib u liqay ka dib markii ay dhagaysteen khudbada Madaxweynaha oo u muuqatay mid culayskeedu ku jihaysanyahay wax aanay filayn oo ay ugu culusyihiin wax qabadkii xukuumadiisa ee sannadkii tagay oo aan ka duwanayn warbixinaha inta badan soo noqnoqda ee ay xukuumadu si guud iyo si gaar ahba uga warbixisay marar badan. Haddaba marka aynu u soo dhaadhacno lafo-gurka khudbada Madaxweynaha gaar ahaan qaybteeda hore ee ah warbixinta sannadkii 2011, waxa aynu ka soo qaadan karnaa qodobadan:

Qaabka diyaarinta Warbixinta

Marka ugu horaysa waxa warbixinta laga dareemayaa isku dhexdaadsanaan farabadan oo dhinaca diyaarinta khudbadda Madaxweynaha ah. Tusaale ahaan sida saxda ahba wuxuu Madaxweynaha khudbadiisa ku bilaabay arrimaha nabadgelyada oo inkastoo uu si aanay miisaankeedu u qalmin uu u dul maray, haddana wuxuu  kaga sheekeeyay xalin khilaafaadyo beeleed oo sannadkaas gudihiisa ay xukuumadiisu xalisay. Laakiin waxa yaab leh markii uu marayay qodobka 14aad inuu mar kale dib ugu noqday arrin xidhiidh la leh tii uu ku bilaabay ee nabadgelyada ka hadlaysay taas oo ah kuuliyadda tababarka saraakiisha ciidanka qaranka iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin darajada iyo qaab dhismeedka ciidamada. Waa marka labaade Madaxweyne Siilaanyo wuxuu warbixintiisa ugu dambaysiiyay qodob uu kaga hadlaayo shirka taleex oo la xidhiidha isla qodobka koowaad ee nabadgelyada lana filayayba inuu hadalkiisa ku bilaabo maadaama oo ay amniga qaranka saamayn ku leedahay. Waxaana qodobka ka hadlaya shirka Taleex laga arkayaa in loogu daray si gole ka fuul ah, waayo sida qodobada kale muu lahayn wax tirsi ah. Sidaas oo kale sida saxda ah wuxuu madaxweynuhu qodobka labaad ee warbixintiisa ku soo qaatay dhaqaalaha dalka oo uu si kooban u sheegay xadiga ay kordhiyeen miisaaniyadda iyo lacagta cusub ee la soo daabacay. Waxase iyana yaab leh inuu markii uu qodobka lixaad marayay uu mar kale dib ugu noqday qodobkii labaad ee dhaqaalaha isagoo ka waramay dhoofka xoolaha.

Kala Horaysiinta Qodobada

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, markii uu ka hadlayay arrimaha nabadgelyada waxa uu ku bilaabay xalinta khilaafaad maxali ah sida shaqaaqooyinkii Ceerigaabo, Seemaal iyo Yagoori. Inkastoo ay yihiin arrimo mudnaantooda leh haddana waxa aanu shaki ka taagnayn marka la barbar dhigo amniga qaranka inay yihiin arrimo aan mudnayn in lagu bilaabo hadalka. Tusaale ahaan waxa maanta dalka ka taagan xaalad khatar ku ah amniga iyo jiritaanka qaranka Somaliland oo ah in markii ugu horaysay taariikhda Somaliland dalka gudihiisa lagu qabto shir siyaasadeed lagu kala goynayo dalka, arrintaas oo ah qodobka mudnaa inuu ku bilaabmo hadalka Madaxweynuhu, dadka arrimaha siyaasadda u dhuun daloolaana ay aaminsanyihiinba inay ahayd inuu goor horeba ka hadlo. Arrinta labaad ee mudnaanta siinaysa ka hadalka shirka Taleex waxay tahay sida uu madaxweynuhuba sheegay khilaafaadkaas hore waa kuwo la xaliyay, laakiin qodobka aan weli xal laga gaadhini waa Taleex. Waxa muwaadin kasta u muuqday sida aanu dareenka Madaxweynuhu inyarna isu bedelin markii uu ka hadlayay arrinta xaasaasiga ah ee falaadha ku ahayd wadnaha muwaadin kasta taas oo ah shirka Taleex, tusaale ahaan kuma uu hakan qodobkan, waxaanu u dulmaray si la mid ah qodobada kale isagoo ku mashquulsan akhriska iyo kala rogista buugga khudbadiisa lagu diyaariyay, halkaana waxa laga akhrisan karaa in qiimaynta uu Madaxweynuhu qadiyadan siiyay ka hoosayso intii ay mudnayd iyo in ujeedada khudbadu ahayd faan siyaasadaysan oo laga yaabo inuu madaxweynuhu uga dan lahaa arrimaha doorashooyinka inagu soo fool leh iyo inuu tiriyo guulaha uu gaadhay isagoo baal maraya inta weli qabyada ah.

Ceebaha Muuqday

Madaxweyne Siilaanyo markii uu ka hadlaayay shirka Taleex waxa uu si dad ban u tibaaxay in shirkaas Taleex ka socda bilowgiisu ahaa mid lagu khiyaameeyay, sababtoo ah wuxuu sheegay inay koox fidno wadayaal ahi dhexda ka afduubtay shirkaas. Arrinta tilmaanta mudani waxay tahay sida uu horeba Wargeyska Geeska Afrika u soo bandhigay in xukuumadda Somaliland ay siyaasad ahaan iyo amni ahaanba ku fashilantay ka war  haynta iyo ka hortagidda shirka oo la aaminsanyahay in xubno badan oo ka qayb galay oo weliba muhiim ahi ay ka soo degeen garoomada diyaaradeed ee Berbera iyo Hargeysa. Dhinaca kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo isagoo sida muuqata doonaya inuu hoos u dhigo meeqaamka shirkaas tilmaamay inaanay ka soo bixi Karin wax lagu tanaado, laakiin waxa xusid mudan inaanu jirin wax ka weyn maamul ka soo horjeeda Somaliland oo halkaas ka soo bixi lahaa.

Waxyaabaha kale ee lagula yaabay khudbadda Madaxweynaha waxa ka mid ahaa inuu sheegay in 85% ka mid ah balanqaadyadiisii kal hore uu galay  ay hirgaleen, halka uu sheegay inay 10% socdaan, 5%-na aanay qabsoomin. Laakiin sida laga wada dheregsanyahay tirada dhabta ah ee ka qabsoontay balanqaadyadiisii waxa ay dad badani ku tilmaamaan tiro intaas aad uga yar. Waana sababta keentay in sannad iyo badh gudihii ay xukuumadiisu ku weydo kalsooni aanay xukuumadihii ka horeeyay ku waayin shan sannadood. Ceebaha kale ee lagu arkay khudbadii Madaxweynaha waxa ka mid ah in xilli arrimo badan oo xaasaasi ahi taaganyihiin uu khudbadiisa muhiimad ku siiyo cambaaraynta Telefishan madaxbanaan oo naqdiyay siyaasadiisa hoggaamineed,  inuu Madaxweynuhu khudbadiisa qaran ku magacaabo hay’ad ka tirsan warbaahinta wadaniga ah isagoo aan soo hadal qaadin magacyada hay’ado badan oo cadow ku ah qaranimada Somaliland ayaa iyana ah ceeb kale.

Siyaasadda Dibadda

Siyaasadda dibadda ee xukuumadiisa oo ka mid ah nabarada la taabto ee ay leedahay xukuumaddiisu  ayaa mar kale wuxuu muujiyay inaanu waxba ka bedelayn sida ay hadda tahay. Tusaale ahaan wuxuu si madax adayg badani ka muuqdo u sheegay inay xukuumadiisu fadhiisan doonto gole kasta oo lagu soo hadal qaado Somaliland. Dhinaca xidhiidhka caalamiga ah Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la wanaajiyay xidhiidhkii Somaliland iyo dalalka Carabta, waxaanu soo hadal qaaday safaro ay isaga iyo masuuliyiintiisu ku tageen wadamada Imaaraadka Carabta, Kuwayt iyo Masar isagoo khudbadiisa ku muujiyay inaanay kala hadal arrimaha qaranimada Somaliland. Laakiin waxa ayaan darro ah in dalalkaas oo waxa ugu weyn ee lagala hadlay ahaa in laga helo taageero dhaqaale iyo in la soo dhiirigeliyo maalgashatada Carbeed aan ilaa hadda midho la taabto laga hayn marka laga reebo dalka Kuwayt oo dib u dhis ku samaynaya madaarada Hargeysa iyo Berbera.

Dalka Masar oo uu Madaxweynuhu soo hadal qaaday ayaa la ogyahay inuu hadda ku jiro xaalad siyaasadeed oo aan degenayn, waxaana dalka taladiisa si ku meelgaadh ah gacanta ugu haya gole milatari oo dadka reer Masar aaminsanyihiin inuu ka soo farcamay nidaamkii ay rideen ee Xusni Mubaarik, doorashooyinkii u dambeeyay ee dalkaas ka dhacayna waxa ay muujinayaan inuu ku soo fool leeyahay isbedel aan la saadaalin Karin siyaasadaha uu ka qaadan doono arrimaha dibadda. Haddaba waxa layaab leh in xukuumadda Somaliland ay aaminsantahay in maamulka hadda dalkaas ka jiraa uu wax ka bedeli karo siyaasaddaha arrimaha dibadda ee Masar oo hore loo ogaa halka ay ka taagnayd qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate waxa uu rayul caamka Somaliland dhawrayaa talaabooyinka khudbadan xigga ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka qaadato gufaynta galdaloolooyinkeeda oo ay ugu weynyihiin siyaasadaaha ay ku waajahdo arrimaha dibadda iyo amniga qaranka. Arrimahan oo hadba sida ay u waajahdo ay ku qaboojin karto dareen mucaaradeedka kulul ee ka imanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Comments are closed.