Wargeyska The Guardian Oo Shalay Warbixin Ka Qoray Wershadda SBI Ee Sharaabka

0
566

geeleHargeysa(Geeska)-Wargeyska caalamiga ah ee The Guardian oo ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa shalay warbixin dheer ka qoray wershadda soo saarta sharaabka Coca Cola ee Somaliland Beverage Industries (SBI) oo laga hirgeliyay waqooyiga magaalada Hargeysa.

Weriye Mark Tran, oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu booqday xarunta wershadaas ee deegaanka Jaleelo.

“Waxay ku taal qaarada Afrika, haddii aanay ahay wershada Coca Cola keliya ee cidla ah, hangar weyn oo cadaan iyo casaan ah ayey la jaar yihiin geel iyo adhi.” Sida awaxa lagu bilaabay qormadaas uu saxafigani ka qoray wershadda.

Mark Tran oo maqaalkan diyaariyey ayaa raaciyey, “Warshada sharaabka Coca cola ee SBI ayuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo xadhiga ka jaray, warshadan ayaa lagu tilmaamay dheemantii lama deegaanka taalay,  Waxay ku taal masaafo saacad u jirta caasimada.

Hanti gaadhaysa $17m ee warshadan oo soo saarta 11kun oo sharaab ah saacad walba, oo ah kala badh awoodeeda wax-soo-saar, una kala baxa fanta, Sprite, iyo Coca Cola, ayaa ah maalgashigii ugu weynaa ee Somaliland la geliyo ilaa muddadii ay xornimadeeda kala soo noqotay Somalia 1991. Maalgashi si weyn ugu baahnaayeen bulsho gaadhaysa saddex milyan oo ku tiirsanayd  dhoofinta xoolaha barriga dhexe, iyo xawaalado gaadhaya ilaa laba bilyan oo soomaalida qurbo-joogu u soo diraan sannad walba.

Maalgashigan ayey dhamaanteed bixiyeen SBI, oo qeyb ka ah shirkada OGF, oo ka shaqeeya caymiska maraakiibta, iyo dhismaha, oo uu aasaasay Cismaan Geele Faarax sannadkii 1949 dalka jabuuti. SBI hawl maalmeedkeeda ayuu haatan wadaa Mustafa Cismaan Geele, mid ka mid ah lix walaalo ah oo weli ku taagan shaqadii aabahood oo geeriyooday sannadkii hore.

Geele, oo 41 jir ah, kana qaatay shahaado culuunta siyaasada ah jaamacada UK's Oxford Brooks University, ayaa asheegay in dhismahii wershadu gebi ahaanba iska ahaa riyo, "Ma sahlana in wershad sharaab casri ah la sameeyo, laakiin, inaan ka sii dhistid Somaliland oo kaabayaasha liitaan, isla markaana nidaam bangi ka jirin, dhab ahaan waxuu ahaa halgan adag,” ayuu yidhi Geele.

Sababta wershada meesha miyiga looga dhisay ayaa dhalisay biyaha dhulka hoose ku jira. Biyo badan ayaan jirin Hargeysa, isla markaana SBI, oo adeegsanaysay baadhitaan Shiinahu sameeyey sannadkii 1970, iyo talada odeyaasha deegaanka,”Ayaa keentay inaan halkan ka dhisno wershada, waana wershada keliya ee Coca Cola adduunka meel cidla ah ku taal,” ayuu raaciyey.

Geele, aya asheegay in go’aanka Coca Cola u siisay calaamadooda SBI ay keentay kalsoonida ay ku qabaan Somaliland, dhul xasiloon marka loo eego Soomaliya. Balse, inkastoo nabadgelyo jirto Somaliland, weli waxaanay hayn aqoonsigii caalamiga ah, oo ka hortaagan in maalgashi caalami ahi soo gaadho, maadama shirkadaha caymisku ogolayn dal aan aqoonsi lahayn. "Shirkad shidaal sida Shell, way ka hawlgeli kartaa Nayjeeriya, oo shaqaalahooda la afduubo, laakiin, ma maalshanayso Somaliland, inkastoo ay ka nabadgelyo badan tahay,” ayuu sheegay Geele. Laakiin, kum eedaynayo imaantin la’aantooda maalgashedayaasha.

SBI ayaa dib u heli doonta lacagteedii muddo shan sannadood ah, ayuu sheegay Geele, oo sabab uga dhigay suuqa sharaabka oo xilligan gaadhay Puntland iyo Gal-mudug. Bisha September, ayuu sheegay inay keeni doonaan qaboojiyeyaal ku shaqeeya qoraxda oo dukaamo iyo qaar ka mid ah Mini-market-yada la siin doono, “Waxaan doonayaa in sharaabka Coke noqdo mid gacantu gaadho.” Ayuu yidhi Mustafe Cismaan Geele.

Shirkadda SBI, ayaa u muuqata inay soo jiidanayso indhaha warbaahinta caalamiga ah iyo weliba inay dhiirigelinayso in maalgashadayaal ajaanib ahi ku soo dhiiradaan Somaliland, haddii dawladda Somaliland laga helo fulinta xeerka maalgashiga oo damaanad qaadaya in maalgashadaha la ilaaliyo hantidiisa islamarkaana loo fududeeyo waxyaabaha uu u baahanyahay si uu u maalgeliyo dal Somaliland oo kale ah.