Weriyaha Caanka Ah Ee Fox News, Pete Hegseth Oo Sharraxay Sababta Aanu Toban Sano U Faraxalan

0
1865

Hargeysa (Geeska)- Barnaamij soo jeediyaha caanka ah ee Pete Hegseth oo ka tirsan talefishanka Fox News ayaa sheegay in aanu muddo toban sano ah farihiisa dhiqin, isaga oo sababtana ku sheegay in aanu aaminsanayn jiritaanka Bakteeriyada la sheego in ay caafimaadka dhaawacayso oo ay tahay in laga faraxasho.

Hegseth oo la hadlayey barnaamij lagu magacaabo ‘Fox iyo Friends’ oo talefishanku sii daayo ayaa sheegay in aanay jirin waxa loogu yeedho bakteeriyada ili-ma-qabatayda ahi.

Hegseth oo ka qalin jebiyey jaamacadaha dunida caanka ka ah ee Harvard iyo Brinston ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu qaato tallaalada caadiga ah ee xanuunnada kala duwani ay leeyihiin, sidaa awgeed uu aaminsan yahay in taasi ay kaga filan tahay ka hortagga xanuunka, laakiin in faraha joogto loo maydhaa ay tahay arrin aan cilmi ahaan waxba soo kordhinayn.

Hegseth waxa uu warkan caddeeyey, kaddib markii intii barnaamijku socday ay saaxiibbadiisa ay labadiisa saaxiib ee ay barnaamijka ku wada jireen ay iyaga oo ugu duurxulaya in aanu caafimaadkiisa dhowrin, ku dacaayadeeyeen in uu cuno cuntada hambada ah.

Hegseth ayaa ku jawaabay, “Waxa aan hore naftayda wacad ugula galay in marka la gaadho sannadka 2019 ka aan talefishanka ka sheego wax badan oo aan awal gaar-gaar u sheegi jiray” kaddib waxa uu sheegay warka ah in aanu muddo toban sano ah farihiisa dhiqin iyo in sababtu ay tahay isaga oo aaminsan in aanay macno cilmi ah caafimaad ahaan ku fadhiyin.

Hadalka weriyahan caanka ah ayaa maalmihii u dambeeyey doodo iska soo horjeeda ka abuuray baraha bulhsada, dad badan ayaa hadalkiisa soo qaatay iyaga oo fikirkiisa taageeraya, halka kuwo kale ay ku noqoto arrin u qaadan waa ah iyo in ay warwar ka qabaan caafimaadka ninkan.

Xarumaha ka hortagga cudurrada iyo xakamaynta faafitaankiisa ee Maraykanka iyo adduunka badankiisuba waxa ay marar kala duwan sheegeen in faraxalka oo la joogteeyaa ay ka mid tahay hababka ugu fiican ee jeermiska lagu tirtiri karo, lagagana fogaan karo faafintaanka jeermiska.

Cilmibaadhis caafimaadna waxa ay caddaysay in halka giraam ee keliya ee saxarada aadamaha ah uu ku jiro jeermis tiradiisu gaadhayso hal tirilyan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here