Hargeysa (Geeska)- Mar kasta oo waalidka gaar ahaan Soomaalida ah ee gudaha jooga laga codsado I aanu ilmihiisa ciqaab jidheed iyo mid nafsi ah u geysan ereyga ugu horreeya ee afkiisa ka soo baxaa waa, “Markaa ilmuhu marka uu qaldamo side la odhanayaa? Haddii mar loo digo marka uu qaladku soo noqnoqdo maxaa lagu samaynayaa? Marar bay dhacdaaba in isaga oo kugu caragsanaya ilmuhu uu gefka sameeyo, maxaad ku samayn lahayd ee aan garaacis ahayn?
Ereyadan iyo kuwo la mid ah oo waalidku ku doodayaa marar badan garowshiyo ayaa ay leeyihiin, waxaa iyaguna mar kasta garowshiyo leh hadallada ay dhakhaatiirta caafimaadka nafsiga ahi si aan daah saarnayn ugu celcelinayaan ee ah, “Weligaa ilmahaaga ha garaacin, nooc kasta oo uu garaac yahayba! Weligaa erey xun oo aflagaaddo, xaddidaad, xaqiraad iwm ah ha ku odhan, iska jir in aad si nafsi ah u ciqaabto oo tusaale ahaan wax uu doonayo u diiddo”
Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay bilowgaba waalidka tusaysaa sababaha keenaya in ilmuhu qaldamo:
- Ilmuhu waxa uu qaldamayaa isaga oo laga yaabo in aanu sidii saxda ahayd garanayn.
- Ilmuhu waxa uu qaldamayaa isaga oo laga yaabo in uu saxdii garanayo laakiin sidii saxda ahayd samaynteeda aanu garanayn ama halka uu u marayo aanu fahamsanayn.
- Ilmuhu waxaa laga yaabaa in uu qaladka sameeyey isaga oo saxdii garanaya, sidii loo samaynayey saxdana garanaya, laakiin gala yaabo in uu illaaway ama ka il-duufay.
- Ilmuhu waxaa laga yaabaa in qaladka uu sameeyo isaga oo keliya doonaya in uu indhaha isku soo jeediyo, xitaa haddii uu og yahay in la ciqaabayo, waayo waxa uu dareemayaa in la dayacay, la fogeeyey ama cidi aanay kaba war qabin.
- Ilmuhu waxa uu qaladka sameeyaa isaga oo laga yaabo in uu doonayo in uu waalidkii ciqaabo ama dhibo, waayo waxa uu tirsanayaa in lagu xad gudbay ama wax uu xaq u lahaa la dhaafiyey.
- Waxaa laga yaabaa in qaladka ilmuhu samaynayo sababtiisuba ay tahay dadka iyo duruufaha ku xeeran oo aan ka caawinayn in uu garto sida saxa ah.
- Waxaaba dhacda in ilmuhu qaladkan u samaynayo xanuun uu qabo awgeed.
Haddaba su’aashu waxa ay tahay, ‘Waa maxay kaalinta uu waalidku ka qaadan karo xallinta xaalad kasta oo ka mid ah xaaladaha kor ku xusan?’ Jawaabta ku habboon kala soco cadadka dambe ee wargeyska Geeska Afrika, Haddii Rabbi Idmo.