Weli Ma Is Weydiisay Sanqadha Ka Baxda Xubnaha Marka La Laabo, Gaar Ahaan Faraha Gacmaha Marka La Jebiyo?

27
3574

London (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Stanford ee dalka Maraykanka ayaa dhowaan ogaaday sababta xubnaheennu ay sanqdaha u sameeyaan, gaar ahaan marka aynu faraha gacmaha jebinno. Cilmibaadhistan oo ay xeeldheereyaashu ku raadinayeen in ay ogaadaan halka ay sanqadhaasi ka imanayso, arrintaas oo sannado badan doodo dhinaca sayniska ahi ka taagnaayeen. Waxaana u soo baxday in xubnaha dhexdooda ay ku samaysmaan kubbado naqas ah oo kuwa xumbada saabuunta la mid ah. Kubbadahaas naqaska ah ayaa qarxaya marka cidhiidhiga xubinta la laabay uu ku dhaco.

Cilmibaadhistan oo uu wargeyska The Independent faafiyey ayaa lagu sheegay in cilmibaadhista ay saynisyahannadu ku ogaanayeen halka ay sanqadhaasi ka timaado, ayaa ay raadinta fasiraaddeedu soo bilaabatay sannadkii 1971 kii, markaas oo ay koox cilmibaadhayaal ah oo ka tirsan jaamacadda Leeds, ee dalka Ingiriisku ku ogaadeen dareeraha ku jira xagasha xubintu ka laabanto, in ay mararka qaarkood sameeyaan kubbadahaas naqaska ah, markaas oo haddii qofku uu xoog ku laabo samaynaya qaraxan aynu dhawaqiisa maqlayno. Daraasaddan dambana waxa ay ka marag kacday xaqiiqada daraasaddaas hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here