Weli Ma Is Weydiisay Sababta Wiishka Fooqyada Lagu Koro Loogu Xidhay Muraayadda La Iska Karo?

0
584

1Washington (Geeska)- Sida in badan oo innaga mid ahiba aragtay wiishka korontada ku shaqeeya ee fooqyada dhaadheer loo fuulo waxaa gudaha ugu yaalla muraayad weyn oo inta badan qofka ama dadka saarani ay isku eegi karaan, waxaa se’ laga yaabaa in aniga, adiga iyo in badan oo dadka kale ahiba aanay weli is weydiin sababta muraayaddan loogu xidhay qolkan yar ee wiishka ah. Haddaba wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta idin la wadaagayaa jawaabta su’aaashaas oo uu ka soo xigtay shabakadda warara Ruushka ee Russia Today.

Sababta ugu muhiimsan ee muraayadda loogu dhejiyo qolka yar ee wiishka fooqyada loo koraa waa, dadka oo bilowgii hore ee isticmaalka wiishashkan kaga caban jiray in ay gaabis yihiin oo, hadba dabaqa ay ku sii hakanayaanna waqti lumisyahay. Haddaba khubaradii keentay fikirka wiishkani markii ay muddo si cilmiya u baadheen xal u helidda cabashadan joogtada ahayd ee dadku ka keenayaan wiishka ayaa qolyo la shaqaynayey oo cilminafsiga ku xeeldheeri waxa ay ku taliyeen dhibta ugu weyni ay tahay dadka oo marka ay qolka wiishka galaan ku caajisa daymada afarta gidaar ee isu dhow ee ay ku dhex jiraan, waana arrin qofka ku keenaysa caajis iyo in waqtigu ku dheeraado.

Culimadii cilminafsiga ee arrintan la weydiiyey, markii ay heleen arrintan ay u arkayeen in ay sabab u tahayba in dadku ku caajisaan qolka wiishka ayaa waxa ay baadheen xalkeeda waxa aana u soo baxay laba qodob oo labadiiba injineerradii sanceeyey wiishku qaateen dhaqan galiyeenna.

1. In dib u casriyeyn lagu sameeyo oo la kordhiyo xawaaraha wiishku ku soconayo.

2. In la helo shay lagu jeedin karo dareenka maskaxeed ee dadka wiisha saaran, si aanay ugu baraarugin goorta ay soo gaadheen dabaqa ay rabeen una fahmaan in uu dheeraynayey. Markii ay muddo habkan labaad baadheenna waxaa u soo baxay in sidaugu habbooni ay tahay in muraayad weyn lagu dhejiyo qolka wiishka.

Muraayaddu waa shay qofka dareenkiisa si fiican u jeedinaysa oo uu cabbaar naftiisa daawanayo isaga oo hadba dhan ka eegaya muuqa jidhkiisa iyo labbiskiisaba, sidoo kale khubaradu waxa ay muraayaddaka dhex doorteen dhowr shay oo la soo bandhigay, waayo iyada ayaa ugu kharash jabnayd isla markaana ka hortegeysay in la beddelo wiishashkii markaas la tashanayey ka horreeyey oo dhan, kuwaas oo u baahday uun in muraayad lagu dhejiyo halkii wax laga beddeli lahaa samayskooda.