Weli Ma Is Weydiisay Sababta Ay Faruhu U Jactadaan Marka Biyo Muddo Lagu Dhex Hayo?

0
523

1London (Geeska)- Waxaa laga yabaa in badan aynu is weydiino sababta ay faraheenna gacmaha ama lugu la jactadaan marka aynu muddo biyo ku dhex hayno amaaynu muddo dheer dabbaalanno. Qormadan uu Geeska Afrika turjumay oo aynu ka xigannay Al-Carabiya waxa aynu ku eegaynaa jawaabta isweydiintaas.

Sida ay khubarada cilmigu xaqiijiyeenhab-dhiska neerfayaasha aadamaha ayaa si badheedh ah u sameeya jactadkan si faraha ay ugu suurtogasho in iyaga oo qoyan ay qaban karaan walax oo aanay ka siiban. Saynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska oo arrintan baadhis ku sameeyey ayaa caddeeyey in faraha qoyani marka ay jactadka leeyihiin ay ka qaban og yihiin shayga ay doonayaan in ay qaadaan, marka la barbar dhigo, faraha qallalan. Taas oo macnaheedu yahay in faruhu marka ay qoyan yihiin ee ay kor walax u qaadaan ay cabsidu tahay in uu shaygaasi ka siibto, halka haddii ay jactadkan leeyihiin ay awoodayaan in ay xejin karaan si ka badan sidii hore.

Faraha lugaha ayaa ay iyagana saynisyahannadu sheegeen in ay jactadkan sameeyaan si lugtu ay awood badan ugu hesho in aanay siiban marka ay qoyan tahay. Iyaga oo hoosta ka xariiqay in jactadkaas uu maqaarka jidhku kala dhaadheeraanayaa u fududaynayo in ay si xooggan u qabsan karaan dhulka oo aanay simbiririxan marka uu qofku tallaabsanayo.

Cilmibaadhayaasha arrintan u kuurgalay ayaa sheegaya in jactadka iyo coodhcoodhka faruhu sameeyaa marka ay biyaha muddo ku dhex jiraa ay kala kaxayayaan qoyaankii farta ku hadhayey taasina ay tahay sababta ay si  xoogga u qabsan karayaan shayga ay qaadayaan.

Tom Smulders oo ah sayisyahan ku xeeldheer cilmiga noolaha oo ka tirsan jaamacadda Newcastle ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay i jactadka faraha lagu arko marka biyaha in bada lagu dhex daayaa uu yahay arrin ay inta badan la kulmaan dhammaan aadamuhu, “Laakiin ma’aha arrin ku timid barar maqaarka galay, biyaha awgeed, waayo haddii ay sidaas tahay jidhka kale ee farta ku xeeranina waa uu barari lahaa” Saynisyahanka oo sii wada sharraxaadda sababta faruhu ay sidan u noqdaan ayaa intaas ku sii daray, in ay tahay arrin ku timid sababta hab-dhiska neerfayaasha oo leh ujeeddo gaar ah. Waxa aanay ka dhigantahay hub is-difaac oo abuur ah oo uu jidhku leeyahay, oo firfircoonaada marka ay faruhu qoyaan si uu awoodda qabasho iyo qabsasho ee gacmaha iyo lugaha u xoojiyo.

Waxa ay hore xeeldheerayaashu u aaminsaaayeen in maqaarka jactadka noqonayaa uu yahay keliya xaalad ku timid biyahan uu jidhku muddada dheer ku jiray, oo aan macno kale sii lahayn, laakiin cilmibaadhisaha cusub ayaa muujinaya in hab-dhiska  neerfaha ee isagu is diraa uu sameeyo jactadkan.

Waxa ay saynisyahannadu qorshaynayaan in ay arrintan ku sameeyaan tijaabooyin dheeraad ah oo ay hoos ugu sii baadhaan sababta jactadkan, waxa se ay ku qanceen in jactadkani uu qoyaanka kala kaxeeyo, taasina ay kor u qaaddo awoodda qabsashada.