Weftigii Xisbiyada Oo La Kulmay Shan Safaaradood Oo Reer Yurub Ah

0
842

Hargeysa(Geeska)-Wefti shan xubnood ka kooban oo ka socda xisbiyada KULMIYE iyo UCID, ayaa iyagoo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya waxay shalay la kulmeen guddoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo safiirada Midowga Yurub ee jooga Nayrobi.

Weftigan oo ka kooban guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, murashixii madaxweyne-xigeen ee UCID Axmed Cabdi Abyan, Wasiirka daakhiliga Maxamed Kaahin oo sidoo kalena ah guddoomiye-xigeenka KULMIYE, Axmed Cabdi-dheere oo ah guddoomiye-xigeenka 2aad ee KULMIYE iyo siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, waxa ay guddoomiyaha aqblabiyada Baarlamaanka Kenya uga warameen xaaladda ay Somaliland marayso iyo marxaladihii ay soo martay.

Safiirada Midowga Yurub ee ay la kulmeen waxa la sheegay inay kala hadleen xaaladda dimumqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland iyo sida ay ku qabsoomi karto doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka oo inkastoo dabayaaqada sannadkan loo qoondeeyay haddana ay horyaalaan caqabado dhawr ahi.

Safiirada ay labada xisbi shalay la kulmeen oo ka dhacday xarunta safaaradda Denmark ayaa kala ah, Denmark, Finland, Sweden, Germnay  iyo Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here