“Dalka Xaqiiqo Halagu Dhaqo Oo Beenta Halaga Daayo, Waxaanu Ka Digaynaa In Markhaati Been Ah Laysku Furo, In Dalka Khalkhal La Galiyo, In Umadda Layska Hor Keeno”

0
820

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay  safiirka Ingiriiska ee Muqdisho fadhigiisu yahay u sheegtay war aan jirin oo ah in la dhammeeyay tabasho ay beelaha Awdal iyo Sool ka qabeen saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, taas oo uu Jirde ku sheegay war aan jirin.

Gudoomiyaha kumeelgaadhka ah ee Waddani oo warbaahinta kula hadlaayay Hargeysa waxa uu duray hadalkii madaxweynaha ee munaasibadii 18 May “Maalintii dhawayd ee xuska 18-ka May waxa khudbadii madaxweynaha ku jirtay in aanu xisbiga Waddani doorashadii ogolayn, waxa ku jirtay hadal uu madaxweynuhu u laliyay taageerayaasha xisbiga uu leeyahay doorashada gala oo madaxdiina soo qasba, khudbadaasi tii munaasabada may ahayn, waxaanu ka hadlayaa warar aan dhamays tirnayn oo xaga xisbul xaakimka iyo xukuumada ka soo baxay oo nagu eedaynaaya in aanan tanaasul samayno  naloo taag la’yahay.”

Waxa uu xukuumada ku dhaliilay in ay wado qorshe komishan cusub lagu dhisaayo oo aan la fahmi karin“ Anaga oo og sagaalkaas la magacaabayaa sifo ay ku shaqaynayaan in aan la garanayn komishan komishan laga dul sameeyay oo la leeyahay waxa uu fadhiyayaa 19 Nov, sharciyadiisu waxay noqonayso garan mayno komishanku waxa uu komishan noqdaa marka baarlamaanka loo gudbiyo gudi arimaha nabadgalyada iyo difaacu ay mid mid ula kulanto oo ay baadho oo ay golaha u soo jeediso hala ansixiyo ee la ansixiyo lana dhaariyo markaas uun bay hawl gali karaan komishan aanu baarlamaankii ansixin oo aan la dhaarin sidee xafiiska gudida doorashada uu u galayaa, sidii xogta  dalka loogu aaminayaa, ninku waxa uu xog heli karaa marka la dhaariyo, anaga oo og galdaloolooyinka oo eed ka carar ah ayaanu nidhi waanu idinla qaadanay ee mid uunbaanu ku darnay labadaas dib aad u dhigteen waxa looga reebay waanu garan waynay. Macnahu waxa weeye anaga ayaa toddoba nidhi ee yaan nalaga adkaan todobadiina way soconaysaa,dalkana kama shaqayso aniga ayaa idhi waxani dalqad maaha waa masiir qaran, anagu waxaanu taaganay anaga oo gal dalooladaas arkayna oo sagaalkaas xubnood ee aanu leenahay ha la magacaabo aanan garanaan sifo ay ku sii shaqayn karaan, in sagaalka  la dhamays tiro waxa lagu diiday garan maayo”

Waxa uu ku dhaliilay xukuumada iyo labada xisbi ee kale in ay amniga dalka khalkhal galinayaan” Labada xisbi intay fadhiisteen ayay soo saareen in dalka doorasho laba xisbi ah ay ka dhici karto,taas macanheedana waad garan kartaan oo waa xasarad iyo buuq iyo taageerayaashii xisbiga Waddani oo ogolaan waaya in xafiisyo laga furo halkay joogaan oo ogolaan waaya in gudida doorashadu ay halkaas ka shaqayn waayaan, taasina maxay keenaysaa in dib u dhac weyn uu Somaliland ku yimaado oo halkii aan ka nimid ah, taasina waa wax laga argagaxo oo caqliga saliimka ah waxaas kuma fakaro, safiirkii Ingiriiska ee inoo yimi  in laga dhaadhiciyay qiil baanu u haynaa laba xisbi waa ay qabsan karaan doorashada, taageerayaashii Waddani ee 42% ahaa ma dabaysha ayaa qaadaysa miyaydaan  kuba xisaabtamin nin aad leedahay xisbigiisii doorasho gali maysid inuu halkaas kuu fadhiyo oo uu kuu sacbiyo miyaad doonaysaa, mise xasarad ayaad doonaysaa oo adiga ayaa uga sii horeeyaba,”

Waxa uu Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde sheegay in ay war been ah xukuumada iyo labada xisbi u gudbiyeen safiirka Ingiriiska ee dalka yimi “ Arinta saami qaybsiga war been ah ayaa la siiyay oo waxa la yidhi waa laga heshiiyay dadkii diidanaa waxay anaga ogolaadeen in tii hore lagu galo miyaad maqasheen shir laysugu yimi oo la yidhi inta odayaal iyo gobolo laysugu yeedhay oo saami qaybsiga lagala shiray miyaad maqasheen, waa war been ah waana waxyaabaha dadka layskaga horkeeno,anagu waxaanu leenahay dalka xaqiiqo halagu dhaqo oo beenta halaga daayo, haday labada xisbi been isugu dhaarteen, dadka runta ku dhaqa oo umadda runta u sheega doorasho laba xisbi ay kaligood galaan wax suurtoobaya maaha, ninkii caafimaad qabaana waa uu arkayaa, saddex gobol Waddani ayaa aqlabiyada helay sidee ayaad dadkii xisbiga u codeeyay aad uga dhaadhicinaysaa doorasho aanu xisbigiinu ku jirin gala ma gori ayaad ku qabanaysaa, umadda dhan ma RRU ayaad ku soo kaxanaysaa ma ciidamada qaranka ee jiida jooga ayaad odhanaysaa xarumaha doorashada ilaaliya, anagu uma aragno caqligaasu inuu yahay mid caafimaad qaba, tii u danbaysay waa taas oo laba xisbi ayaa is raacay oo yidhi qaadhaan bixiyayaashii ayaanu u tagaynaa oo waxaanu kala soo hadlaynaa arimaha doorashada, arimaha doorashadu miyaanay inaga dhaxayn goormay laba xisbi gaar ku noqotay, waxaanu ka digaynaa in markhaati been ah laysku furo, in dalka khalkhal la galiyo,in umadda layska hor keeno oo la yidhaahdo labadan xisbi ayaa doorasho galaaya ee inta kalaay badda ka caba, badda laga cabi maayo ee waxa dhacaaya waad garanysaan alle haynaga hayee, taas ayaanu ka digaynaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here