Shirkada GSK Oo Iska Difaacady Eeddo Ay Madaxtooyada Somaliland U Jeedisay Ganacsade Axmed Cismaan Geele

0
919

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda GSK ayaa iska difaacday eeddo ay madaxtooyada Somaliland u jeedisay, waxaanu eedaha madaxtooyad Somaliland ku tilmaamay kuwo gacan ku rimis ah oo ka fog xaqiiqada.

Afhayeen u hadlay shirkadda GSK Mr. Axmed Cali Nuur, ayaa wuxuu soo bandhigay hanti $ 128 milyan oo dollar ah oo ganacsade Axmed Cismaan kaga maqan gacanta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Djibouti.

Warsaxaafadeedka uu Afhayeenku saxaafadda u soo bandhigay ayaa isagoo dhammaystiran wuxuu u dhignaa sidan “Anaga oo ku hadlayana afka Muwaadin/Ganacsane Axmed Cismaan Geele iyo Shirkadihiisaba  waxaanu halkan Umada Soomaliland ugu soo bandhigaynaa  jawaab Xaqiiqo iyo Cadaymo ku salayna ugaga jawaabaynaa War-bixintii layaabka lahayd ee  maanta 4/4/19  kasoo baxday madaxtooyada soomaliland waxaana aanu ku bilaabaynaa sidan hoos ku xussan.

Ø Marka 1aad maanta madaxtooyada soomaliland waxay Muwaadin/Ganacsade Axmed Cismaan Geele ku tilmaamtay nin maanta qaatay dhalashada soomaliland , taasi oo umada soomaliland layaab ku noqotay iyada oo umada soomaliland ogsoontahay in Ganacsade Axmed Cismaan Geele uu yahay Muwaadin Reer Soomaliland ah kana soo jeeda asal ahaan Aasasayaashii Soomaliland  wax barashadiisa aasaasigana ku qaatay dugsiyada Riis iyo Axmed Guray sidoo kalena haysta dhalashada laba wada sida uu  madaxwaynaha soomaliland ba u haysto dhalashada labada .

Ø Ugu horayn Baankan ay maanta madaxtooyada soomaliland ka hadashay magaciisa  saxda ahi waa BCIMR oo ay dawlada Jabouti badh leedahay sida ku cad heshiiska Aaasaaska saamilayda Baankaas,

Bulshada soomaliland waxay  ogsoontahay in aanu dunida jirin baan dayn hadyad ku bixiyaa , balse taas badelkeeda baankasta uu daymaha ku xidho shuruudo,rahan ama hanti maguurto ah oo ka badan daynta uu baanku ganacsatadaha siinaayo.

Ø waxaanu cadaynaynaa in sida caadada u ah Ganacsatada in ay dayn ka qaataan Baananka aduunka, waxaana jirtay in  aanu  heshiis la galnay baankaas aanu soo sheegnay ee magaciisu yahay BCIMR  mudo haatan laga joogo 24bilood ama 2sano ah waxaana aanu ka qaadanay dayn dhan 20milyan oo doollar, sida sharcigana  bangigii wuxuu naga dalbaday rahan ka badan daynta aanu rabno kuna taala magaalada jabouti, waana aanu ku wareejinay rahankaas bangiga daynta na siinayey bishii April 2017 waxaana heshiiska rahankaas laga diiwan galiyey lagana ansixiyey dawlada jabuuti, waxaana heshiiskaas ku xusnaa in  baanku naga hayo hanti  ma guurto ah oo qiimaheedu dhan yahay 25milyan taasi  anaga 5milyan noo dheerayd  Daynta uu na siiyey.

Ø Lacagta baanka aan ka qaatay ee madaxtooyadu sheegtay in aanu ku maalgalinay kuna aasaasnay Shirkada Cocacola waxaanu Baankaas ka qaadanay Sanadkii 2017kii sida umada somaliland  wada ogaydna  waxa shirkadaas Coca Cola wadanka laga hirgaliyey sanadkii 2010kii waxaana la daah furay sanadkii 2012kii taasi oo meesha ka saaraysa warbixintaas faro ku samayska ah ee umada laga hor akhriyey xaqiiqadana ka fog.

Mudo Laba Bilood ah ka dib waxa dhacday in qoyska madaxwaynaha jabooti ay ku amraan Axmed Cisman Geele in uu saamiyo khasab kaga siiyo shirkadihiisa jabuuti iyo kuwa soomaliland , Amarkaas oo uu ganacsade Axmed Cismaan Geele ku gacansaydhay maadama aan xaq iyo xeertoona loogu lahayn, intaas kadib markii uu Axmed Cismaan Fulin waayey amarkaas waxa dhacday in waaran Qabasho ah loosoo jaray isaga  Axmed Cismaan Geele oo Jabooti ka maqan.

Axmed Cismaan Geele  kuma noqon jabooti maadama uu ogaaday in Xadhigaas lagu doonayo  in lagu marsiiyo Dalabkoodii, intaas kadibna waxa bilaabmatay in qoyska madaxwaynaha Jabooti ay bililiqaystaan 10kii shirkadood ee jabooti uga shaqaynayey iyada oo 4tii ugu waawaynana ay kala qaateen qoska madaxwaynuhu waxaanay u kala qaateen.

1- Shirka Multivion waxa qaatay Tom uu u dhashay dalka Ivory Cost qabana Faadumo Ismaciil Cumar Geele.

2- Shirkada Jabouti Container Freight Station waxa qaatay Nazli Cabdala Kaamil oo ay dhashay Marwada 1aad Marwo Khadra Xayd

3- Shirkada 360 Stevedoring waxa qaatay Sacad Cumar Geele oo ah Madaxwaynaha Walaalkii.

4- Shirkada Jib Events waxa qaadatay Tolmoon Almis Maxamuud Xayd oo ay Marwo Khadra Xayd Edo ruma u tahay,

6dii shirkadood ee kalana waa la xidhay hantidii dhextaalayna waa la bililiqaystay.

Intaas waxa dheer hanti Qiimaheedu kor u dhaafayo 128Milyan oo iskugu jirta .

1-Warshado

2-Dhismayaal

3- Dhul

4-Gaadiid.

5- Wakaalado Shirkado Caalami ah.

Hadaba maadama ay hantida intaasi leegi naga maqantahay waxaanu isku daynay in aanu raadino cid dhexdhexaadin nagu dhex gasha qoyska jabuuti maadama ay adkayd in aan sharci kaga soo qaadano hantida naga maqan waxaana aan isku dayey talaaboyinka hoos ku xussan.

Waxa uu Axmed Cismaan Geele 3 jeer Hargeysa kula kulmay xubno ajanabi ah kuwaasi oo dhinaca jabooti ka siday dhexdhexaadin ah in Axmed Cismaan Geele aqbalo saamigii ay Qoyska Madaxwaynuhu ku amartay In laga siiyo hantidiisa , wuu ku gacan saydhay maadama uu ahaa mid uu hore u diiday.

  • Waxa Hargeisa yimid Masuuliyiin ka socota Baanka Jabuuti ee BCRMI kuwaasi oo ujeedadoodu ahayd sidii loogu soo celin lahaa dayntooda, waxaana Axmed Geele u sheegay in ay hantida damaanada ahayd ee ay haysteen Mulkiyadeeda la wareegan una qaataan dayntoodii, maadama heshiiskoodu dhigayey Axmed aanu Jabuuti tagi karin wakhtigan una keenan 5milyan ee dheeraadka ku ah Hantida Damaanada ee ay haysteen kalana saxeexdeen Axmed Cismaan Geele , soo jeedintaasna waa ay diideen Masuuliyiintii iyaga oo ka cabsi qaba in dawlada jabuuti qaadato Hanti

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here