Diblumaasi Caalamiya Oo Soo Bandhigay Waxa Keenay Dooddii Baarlamaanka UK Ka Yeeshay Qadiyadda Somaliland Iyo Xaaladda Badda Cas

0
783

Wuxuu Iftiimiyey Ahmiyadda Somaliland iyo Gaabiska Reer Galbeedka

London (Geeska) – Matthew Gordon oo ah Diblumaasi Jaamacadda London ku diyaarinaya Shahaadada PhD  isla-markaana bartay Siyaasadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah, ayaa faalo dheer ka qoray sawirka laga qaadan maro dooddii uu Baarlamaanka UK ka yeeshay Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland.

Diblumaasigan Shahaadada sare ee PhD ku diyaarinaya Cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah, ayaa sheegay in doodda Baarlamaanka UK tilmaan ama Tusaale u tahay isbeddelka ka soo foolka leh badda Cas.

“Iyadoo Gobolka Geeska Afrika ay ka aloosan yihiin mawjado dagaal, ayaa Jamhuuriyadda yar ee Madax-banaanideeda ku dhawaaqday ee Somaliland, waxay muujinaysaa jiritaankeeda dhinaca dimuqraadiyadda iyo doodaha furan..” ayuu yidhi Matthew Gordon, waxaanu intaa ku daray “18-kii January 2022, waxa xarunta Baarlamaanka isugu yimaad ilaa labaatameeyo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, si ay uga doodaan aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland. Sida la yaabka leh ee tirada badan ee dadka u soo baxay iyo soo bandhigida is-afgaradka xisbiyada Somaliland, ayaa abuurtay rejo..”

Matthew Gordon wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in doodda Baarlamaanka Ingiriisku ka dhalatay markii Madaxda Dawladda UK ku adkaysteen in aanay waxba ka beddelin Mowqifkooda ku aadan in Somaliland Ictiraaf la siiyo, maaddaama oo guux isbeddel ka aloosan yahay badda cas ee Somaliland kulaalayso “Doodda Baarlamaanka UK waxay ka dambeysay markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda UK ay ku adkeysteen inay si madax-adayg ah u sii wadaan xaaladda hadda jirta (Aqoonsi la’aanta Somaliland), waxa kale oo dooddan abuuray in Dawladaha reer galbeedku doorteen inay arrinta Somaliland u daayaan Soomaaliya iyo dalalka kale  derska la ah Somaliland ee Afrika si ay u hoggaamiyaan isbeddelka..”

Khabiirkan siyaasadeed waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheeegay “Soddonkii sano ee la soo dhaafay Somaliland waxay urursatay guulo ay ka gaadhay ilaalinta nabadda iyo qabashada doorashooyinka. Horumarradaas waxay ku muteysteen in si gaar ah isha loogu hayo, Dawlado Shisheeye iyo Siyaasad dejiyeyaalna ku amaanaan arrintaas, laakiin kuma ay guulaysan aqoonsi diblomaasiyadeed.”

Khabiirku waxa kale oo uu sheegay in reer Galbeedku lumiyeen xulafadoodii Geeska Afrika, xilli Somaliland isku taagayso xudunta dhaqaalaha gobolka “Arrintan ayaa qeyb ka ah in reer galbeedku lumiyeen xulafadooda gobolka Geeska Afrika, xilli Somaliland isu taagayso xudunta ganacsiga gobolka, ka dib markii ay heshiis la gashay shirkadda DP World oo dibu-habayn ku samaysay dekedda Berbera.”

Waxa kale oo uu soo Hadal qaaday “Horumarka Somaliland ka muuqda xilligan, ayaa  u muuqda inay ka faa’iidaysteen kor u kaca dareenka caalamiga ah. Taas waxa daliil u ah beryahan dambe waxa si cad u soo shaac baxayay hawl-wadeennada siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan Somaliland, taana waxa ka mid ahaa booqashadii weftigii ugu horreysay abid ee shaqaalaha Koongareeska ah ay ku tageen Somaliland bishii hore.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Hawlgalka xaqiiqo-raadinta ee Koongarayska Maraykanka laftiisa ayaa ahaa natiijadii tooska ahayd ee ka ololaynta xubnaha Koongarayska ee wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee Washington tagay, sidoo kalena waxa lagu wadaa in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu dhawaan safar ugu baxo Washington. Marka la eego, isbeddelladan is daba-joogga ah ee beryahan dambe ku soo kordhay Somaliland, waa in dunidu la jaan-qaado xaqiiqada Somaliland.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office