“Anigu Maan Odhan Doorasho Kama Dhacayso Waqooyiga Degmada Arabsiyo”

0
4023

Gabiley(Geeska)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo Kamid ah Salaadiinta Gobolada Awdal , Salel iyo Gabiley, Islamarkaana ah Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed-Case ayaa, ayaa beeniyay war ay warbaahintu ka qortay oo sheegayay in laga soo xigtay inaanay wax doorasho ahi ka dhici Karin deegaanada waqooyi ee gobalka Gabiley.

Suldaanka oo xalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Gabiley, wuxuu sheegay inaanu isagu warkaas odhanin. "Waxaan doonayaa inaan halkan ku beeniyo In Aniga Suldaan Ibraahim Jaamac Samater aan Talafishanka Somali-Chanel ka Sheegay inaan Doorasho ka dhici karin Waqooyiga Galbeedka ilaa Deegaanka Arabsiyo arintaas oo fajaciso igu noqotey, Shacabka Gobolka Gabiley iyo Somalilandba waxaan u sheegayaa in aanu Warkaasi wax alaala wax kajiraa jirin Anigu Hadaan Suldaan Ibraahim Jaamac Samater ahey, kaasi ma aha afkeygii walina la igama maqal war noocaas ah, Gabiley iyo Gobolkba waxa ka sharaxan Murashaxiintii oo dhan oo Meel Walba ka diyaar ah.” Ayuu yidhi Suldaanku. 

Waxa kale oo Suldaan Ibraahim Jaamac Samater hadalkiisa kusoo khatimay in uu Bulshada ku guubaabinayo in ay u diyaar garoobaan Doorashada isagoo dhinaca kalena Sheegay  in uu Hamabalyeynayo Guud ahaanba Shacbiga Somaliland Munaasibada Ciida Barakeysan ee Kusoo fool leh Maalmaha Soo socda iyadoo lagu guda jiro Xajkii iyo Carafa.