Wefti Ka Socda Ingiriiska Oo Madaxweynaha Somaliland Kala Shiray Sidii Ay Gacan Uga Geysan Lahaayeen Soo Kabashada Suuqa Waaheen

0
638

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socday Dawladda boqortooyada Ingiriiska, kaasi oo ay hoggaaminayso Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Wakiilka UK ee Somaliland.

War Qoraal ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay kulankaasi oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka Dalka Ingiriiska Kate Foster oo safar shaqo ku timid Somaliland.

 Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Ingiriisku guud ahaan Somaliland uga taageeri lahayd masiibadii gubashadii suuqa Waaheen iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen taakulaynta abaaraha dalka ka jira.

Sidoo kale, waxa laga wada-hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo guud ahaan adkaynta amniga gobolka oo ay Somaliland marwalba ka ciyaarto doorkeeda ugu habboon iyo dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu dhankiisa uga mahadnaqay dawladda Uk, fariimihii tiraanyada gubashadii suuqa Waaheen ee Ra’iisal wasaaraha dalka Uk, wasiirka arrimaha dibedda, goleyaasha, xildhibaannada iyo guud ahaan shacabka UK ay ula qayb-sadeen shacbiga iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ugana tacsiyadeeyeen dhibkaasi soo gaadhay suuqii ganacsiga ee ugu weyna Somaliland.

Waxaana madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud.

Dhinaca weftigana waxa safiirka ku wehelinayey wakiilka Dalka Ingiriisku u fadhida Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Lizzie Walker iyo Morgan Riley Madaxa horumarinta xafiiska Uk ee Somaliland.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office