Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Eedaymo U Jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi  

0
747

Hargeysa (Geeska) –  Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu Somaliland burburinayo.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay casho sharaf uu u sameeyay 12 kii suxufi ee doraad  xabsiga Hargeysa laga soo daayay, ayaa dhaliilay Hoggaaminta Madaxweyne Biixi, isaga oo sheegay in uu la xisaabtamayo wixii Ramadaanta ka danbeeya oo aanu ka ogolaanayn in uu Somaliland burburiyo sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Muuse talo haka sugina, in aan ka badbaadno mooyaane haka filina wanaag Muuse”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markay Ramadaantu dhamaato Muuse ama Madaxweyne ayuu noqon doonaa ama kursiga ayuu iska soo wareejin doonaa, taladeediina waalla galayaa, in Somaliland uu burburiyo shakhsi oo aanu daawano, ka ogolaan mayno..”

Faysal ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu xorriyata hadalka iyo fikirka dadka ku tuntay isla-markaana ay dhalinyaradii Somaliland ku jirto dhibaato “Inanka dhalinyarta ah ee Maanta gabya ma aragteen, inan kaasi waxa uu ka warramayaa xaqiiqda maanta taagan ee dhalinyarta haysata, ee qaar tacabireen, qaarna badda isku tuureen..”

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa xukuumada madaxweyne Biixi ku dhaliila in ayna u dulqaadan afkaarta dadka rayid ka ah.

 

Geeska.net/Hargeisa Office