UCID & WADDANI Oo Guddoomiyaha Guurtida U Diray Qoraal Dheer Oo Ay Eedaymo Ugu Jeediyeen Madaxweynaha, Taliyaha Booliska Iyo Walaaca Ay Muujiyeen

0
766

Qoraalka Oo Dhowr Bog Ka Kooban waxa lagu xusay Wiil Uu Dhalay Madaxweynaha Somaliland 

Hargeysa (Geeska) – Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland eek ala ah UCID iyo WADDANI, ayaa Qoraal dheer u diray Golaha Guurtida Somaliland, kaasi oo ay kaga warrameen Xaaladda dalka ee dhinacyada amniga, Hab-dhaqanka Xukuumadda, sharciga iyo arrimo kale oo khuseeya Nidaamka maamul ee Xukuumadda ku Abtirsata Xisbiga KULMIYE.

Qoraalkan dheer, ayaa Labada Xisbiga ee UCID iyo WADDANI waxay ku sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi aanay ilaalinaynin Sharciga iyo Xeerarka dalka u yaalla, iyagoo Tusaale u soo qaatay in sannadkan oo bisha shanaad Maalmo kooban ka hadheen aanu weli Madaxweynuhu jeedin khudbad-sanadeedkii Dastuuriga ah ahayd, halka ay arrinta xagga Amnigana walaac kaga muujiyeen, iyagoo Tusaale u soo qaatay inay jiraan dhallinyaro ay sheegeen inuu hoggaamiyo Wiil uu dhalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ay sheegeen in ficillo uu ku kacay ay Dadweynuhu aad uga cawdeen.

Qoraalka Xisbiyada oo dheeraa ayaa qodobbada ay kaga hadleen waxa ka mid ah “Waxa jirta in aan Xukuumaddu sharciga ixtiraamayn, Tusaale ahaan Wasaaradaha uu Madaxweynuhu Magacaabay waxay Baal-marsan yihiin Xeerka Nidaamka xukuumadda, kaasi oo qeexaya Tirada Wasaaradaha iyo Magacyadooda, Tiro ka mid ah Xubnaha Wasiirrada ah ee Madaxweynuhu waxa wakhtigii ansixintu ka dhacday iyadoon Madaxweynuhu u soo gudbin Golaha Wakiillada. Sida oo kale iyada oo la sii galayo bishii 5aad illaa hadda Madaxweynuhu khudbaddii Dastuuriga ahayd ee labada Gole lagama hayo…” ayaa lagu sheegay qoraalka ay Xisbiyada Mucaaradku u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan.

Xisbiyada ayaa sidoo kale qoraalkoodan oo Warbaahinta soo gaadhay waxay kaga hadlay amniga guud ee dalka, si gaar ahna waxay isku dul-taageen dhallinyaro ay sheegeen inuu hoggaamiyo Wiil uu dhalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ay sheegeen in Ficilladiisa ay Dadku ka cawdeen “Nabadgalyada, dhawaan waxa soo shaac-baxay cabatinka Bulshada oo ku waajahan dhallinyaro cusub oo uu hoggaamiyo Wiil uu Madaxweynuhu dhalay, kuwaas oo aan ka tirsanayn Ciidanka Booliska, isla-markaana suuqa ka qafaalanaya Dadka, hubka ku hadidaya Bulshada amaba garaacaya oo ku xidhanaya Guryo aan ahayn meelihii uu sharcigu jideeyay ee jeelasha iyo Saldhigyada Qaranku lahaa, arrintaas oo ka soo horjeedda Dastuurka ‘Waxa Reebban in Qofka lagu xidho meel aanu Xeerku bannayn.” Tusaale Dadka ay jidh-dileen waxa ugu dambeeyay Suxufiga Cabdi Jarmani, sida soo caddeeyeen Hay’adda xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland iyo Jamaal Ibraahim oo dhawaan la siidaayey..” ayaa lagu sheegay qoraalka Xisbiyada WADDANI iyo UCID, kaasi oo intaa ku daray in Taliyaha Boolisku uu u caga-jugleeyay Xildhibaano “Waxa la ogaa in Ciidan la geliyey Golaha Wakiillada, iyada oo ay Ciidammadu garaaceen oo nabaro loo geystay dhowr mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada, isla-markaana dhawaan uu Taliyaha Boolisku Dil iyo xadhig ugu Hanjabay illaa saddex Xildhibaan oo kala ah, Xildhibaan Maxamed Abiib, Xildhibaan Maxamed Khadar iyo Xildhibaan Xasan Ogaal oo dhammaantood ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, caddayntoodana aad ka heli kartaan Warbaahinta Madaxa-banaan..”

Qoraalkan oo ay ku saxeexan yihiin labada Guddoomiye ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa waxa kale oo lagu sheegay in arrimahaa kor ku xusan oo dhami ay walaac iyo wer-wer-gelinayaan nidaamka Dawladnimo ee Somaliland, nabadgalyada iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland  “Waxa soo muuqata in Madaxweynaha iyo Xukuumaddu qaadeen jidkii Keligii Taliyaha isla-markaana ay meesha ka baxday ixtiraamkii Haybadda Dawladnimo ee Hay’adaha Dawladda iyo Xisbiyada u dhaxayn lahaa.” Ayaa lagu sheegay qoraalkaasi, kaasi oo intaa ku daray in Madaxweynuhu aanu ka soo jawaabin ay qoraal ay hore ugu direen, taasina muujinayso inuu doonayo inuu si sharci-darro ah kursiga iskaga sii fadhiyo kursiga dalka ugu sarreeya, taasna aanay Xisbiyadu aqbali karin.

 

Geeska.net/Hargeisa Office