Wefti Culus Oo Ka Socda Dawladda Itoobiya Oo Shalay Hargeysa Ku Yimid Safar

0
472

Picture3Hargeysa (Geeska)-Wefti culus oo iskugu jira Wasiiro iyo Madax ka tirsan Dawladda aynu jaarka nahay ee Itoobiya, ayaa markii ugu horeeysay dalka yimid.

Weftigan oo ka kooban Afar Wasiir iyo Masuuliyiin kale, oo Shalay ka soo degay Madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa hogaaminayey Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Suriyaan Axmed, waxaana Weftigan Itoobiya ka socday ku soo dhaweeyey dalka oo  Madaarka kaga hortagay, Wasiiro iyo Masuuliyiin ka socda Somaliland, iyo dadweyne aad u tiro badan. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo isagu ka mid ahaa Wasiirada soo dhaweeyey, ayaa ka waramay sababta ay Weftigani ay dalka u yimaadeen, waxaanu sheegay inay ka wada hadli doonaan xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, Dekada Berbera iyo hindisaha Jid cusub oo Tareen labada Wadan iskaga goosha, waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay Somaliland waxa farxad weyn noo ah in aanu ku soo dhaweeyno gagada Dayuuradaha ee Hargeysa, Wefti balaadhan oo ka socda dawladda Itoobiya, dawladdaas oo aynu nahay jaar, walaalo nahay, ilaaqad badan leenahay, Weftigan oo ahmiyadiisa kowaad tahay sidii ilaaqad iyo wax ka qabasho xagga dhaqaalaha ah iyo horumar uga wada hadlayno, waxa hogaaminay Wasiirka Maaliyadda Axmed Suufiyaan”.

Wasiirka Wasaradda Arrimaha Dibada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa ugu muhuiimsan ee aanu ka wada hadlaynaa waa Dekada Berbera, Laydhka, Tareen la doonayo in la sameeyo,m iyo waxyaabo badan oo kale oo ku lug leh horumarka dalka”. Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Sufiyaan Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkoodu uu la xidhiidho sidii ay Somaliland uga wada hadli lahaayeen dhinaca iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal, amaanka iyo jid cusub oo laga sameeyno Waddo Tareen oo labada dal u dhexeeya iyo isticmaalka Dekada Berbera.