Madaxweyne Siilaanyo Iyo Suldaan Cumar Oo Sanado Ka Dib Shalay Kulmay

0
514

Picture4

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka shalay dhex maray Madaxweynaha iyo Suldaanka, waxase la sheegay in ujeedada kulanku ahaa mid ay Madaxweynaha iyo Suldaanku isku calool xaadhanayeen, waxaana kulanka ka soo shaqeeyay wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo taliyaha ciidanka Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo labaduba la sheegay inay goob joog ka ahaayeen kulanka.

Xukuumadda ayaa la sheegay inay muddo ka shaqaynaysay sidii ay u soo dhawayn lahayd Suldaan Cumar islamarkaana uu kulanka shalay qabsoomay u dhex mari lahaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Suldaanka.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Suldaan Cumar, ayaa muddooyinkii dambe aad u kala durugsanaa, waxaana la ogyahay in Suldaan Cumar dhawr bilood ka hor si adag u eedeeyay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo ku eedeeyay khilaafkii la xaliyay ee ka taagnaa Baliga Diiriye Guuleed ee waqooyiga magaalada Burco.

Si kastaba ha ahaate , kulanka shalay ayaa la sheegay inuu bilow u noqon doono is faham dhex mara Madaxweyne Siilaanyo iyo suldaan Cumar.