Shirka Safeway Travel Agency Oo Beenisay War Laga Baahiyey

0
533

Aniga oo ah Cumar Siciid Ducaale ahna Maareeyaha Shirkada Safeway Travel Agency Waxaan halkan idiinku sheegayaa in shirkadayda Safeway laga been abuurtay, isla markaana, wararka lagu baahiyey  saxaafada in aanay waxyaabaha ay sheegayaan shirkadaydu ku lug lahayn warar kaasina ay yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn. Sida aad ogaan kartaan shirkada safeway waxa ay ku shaqo leedahay iibka tikidhada waxaanay ka mid tahay GSA-yada Ethiopian Airlines, mase aha shirkad ku lug leh airport handling, mar labaad waxaan idiin sheegayaa in aanay jirin wax heshiis ah oo ay Ethiopian Airlines iyo Safeway ku galeen waxa loo yaqaano airport handling. Waxa kale oo aan uga digayaa warbaahinta gaar ahaan kuwa warar ka aan sal iyo raad toona lahayn iga fidinaya inay ay ka waan toobaan isla markaana ay iska hubiyaan ilaha waraka ay qorayaan.

ALLAA MAHAD LEH