Weedha Isu-Duwaha Qaramada Midoobay Ahna Xidhiidhiyaha Gargaarka Bani’aadanimo Uu Ka Yidhi Booqashadiisa Somaliland

0
2734

Hargeysa(Geeska)- “Mudnaan weyn ayay Qaramada Midoobay siinaysaa sidii ay wax uga qaban lahayd baahiyaadka halkan ka jira iyo sidii ay u sii xoojin lahayd wada-shaqaynta u dhaxaysa maamulka Somaliland” ayuu yidhi Philippe Lazzarini oo ah Isu-duwaha Qaramada Midoobay iyo Xidhiidhiyaha Gargaarka Aadaminimo isagoo booqashadiisii koowaad ee rasmi ah shalay ku yimid Somaliland.

 Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa Lazzarini wuxu la kulmi doonaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wasiirada Qorshayta iyo Horumarinta Qaranka, Arrimaha Dibedda, Gacansiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah iyo Arrimaha Gudaha. Sidoo kale wuxu kulano falanqayn ah la yeelan doonaa bulshada rayidka ah, hay’adaha gargaarka aadaminimo iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Markii uu Hargeysa soo gaadhay, Isu-duwaha Qaramada Midoobay wuxu bogaadiyey waxqabadka dadka Somaliland, sida ay ugu faro-adaygeen xasiloonida iyo sida ay ugu dedaaleen horumar waara oo dan u ah cid kasta- dumar iyo ragba. “Somaliland waxay tusaale ku dayasho mudan u tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka. Qaramadana waxa ka go’an in ay la shaqeeyaan maamulka, bulshada rayidka ah iyo bulshooyinka deegaanada si loo sii kordhiyo horumarka” ayuu Philippe yidhi.

“Waan fahansanahay in ay xaalad gaar ahi ka jirto Somaliland baahiyaadka horumarineed ee ay qabtaana ay yihiin kuwo iyada u gooni u ah. Waxan ku hanweynahay in aan Mudane Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxda kale ee Dawladda la yeelan doono falanqayn ku saabsan sii xoojinta iskaashiga si looga midho-dhaliyo xuquuqda dadka.  Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay ahmiyad weyn siinaysaa in dhammaan mashaariicda iyo waxqabadyadu ay noqdaan qaar waafaqsan qorshaha horumarineed ee ay Dawladdu dejisay- waana muhiim in bulshada caalamku ay taageerto qodobada ahmiyadda u ah qorshahaasi”

 Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa iskaashiga ay la leedahay bulshada caalamka si maamulka looga taageero kobcinta dhaqaalaha, kordhinta fursadaha shaqo iyo wax-ka-qabashada baahiyaha bani’aadanimo ee ka jira Somaliland.