Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Oo Shalay Xilka La Wareegay

0
489

Picture1Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa shalay xilkii agaasinimo kala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaarada Ciyaaraha Mustafe Maxamuud Qodax.

Xaflada xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Wasaarada Ciyaaraha goob joogna ay ka ahaayeen Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Guud ahaan Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada Ciyaaraha iyo marti sharaf kale oo u baddan bahweynta ciyaaraha.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha cuusb ee Wasarada ciyaaraha Somaliland Mr Maxamed Dhabbeeye, waxaanu yidhi  “Runtii maanta xilka aan la wareegayo waxaan u arkaa Masuuliyad culus inkastoo Wasaaradan aan la wareegayo xilkeeda aanay ahayn mid aan ku cusubahay, ma aha oo dadka jooga ha noqoto ama shaqada Wasaarada ha noqoto ama duruufaha ku xeeran ha noqotee waxaan ka haystaa xog weyn oo aan ku hawl gali doono haddii Alle idmo, waxaanan ku rajo weynahay inaan dedaalkayga, aqoontayda iyo kartidayda aan ku hawl gali doono. Waxaanan balanqaadaya in halka ay maanta Wasaaradu joogto inaan kor uga sii qaado mooye aanan marnaba hoos u dhigi doonin, midkale ayaaba ii sii dheero waxaan ahaa dadkii muddada dheer dhaliili jiray masuuliyiintii iga horaysay ee xilka soo qabtay”. Waxaa kale oo Agaasimaha cusubi uu balan qaaday in laga hawl gali doono sidii xidhiidho nidaam leh oo shuruuc ku fadhiya loo yagleelo, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Xidhiidhadu runtii waxa ay ka mid yihiin Hay’adaha qaranka Somaliland u baahan yahay, oo adduunyada oo dhami qaran maanta aan lahayni aanu jirin, cid jirta oo dal sheeganaysa oo qarana oo qaanuun ku dhisan oo aan lahayn xidhiidh iyo Olombik maanta adduunka ma jiro, mana jirto dal adduunyada ka aasaasan oo aan lahayn Horyaal waxaan qabaa waxyaalaha ugu horeeya ee aynu soo kordhin doono anagoo iskaashanayna inuu dalkeenu Horyaal yeesho oo la yaqaano maalinta uu furmayo iyo maalinta uu xidhmayo” ayuu hadalkiisi ku soo gaba-gabeeyay Agaasimaha cusubi.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay oo xilkii u kala wareejiyay Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal.