“Waxay Ahayd In Ganacsatada La Tixgeliyo”

0
984

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani

Hargeysa (Geeska)-Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Shirkadda DP World iyo Ganacstada .

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay ilaalinta hantida umadda iyo biyo yaraan ka jirta deegaano ka tirsan Somaliland, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay khilaafka DP World iyo Ganacstada ka dhex taagan “Waxay ahayd in haddii wax la ogolaanayo in Ganacstada la tixgaliyo, oo cabashadeeda la eego, iyagoo Ganacsato ah oo muwaadiin ah, oo ah cidda lagu cararo oo wax laga helo markay wax inagu dhacaan, haddii ay abaaro tahay iyo haddii ay dhibaatooyin kaleba tahay, halka qoladan DP World ay isheenii dhaqaale ay qaadatay, inay maalinba ay tidhaahdo cahuurbaan kordhinayaa wax la qaadan karo maaha, Xisbiga Waddani haddii aanu nahayna waanu ka soo horjeednaa, Dawladduna wey khaldan tahay inay taageerto go’aanka DP World, laakiin  Dawladda waxaa la gudboon inay tixgaliso Ganacstada oo ay mudnaanta kowaad siiso”.

Xoghaye ku xigeenka Waddani mar uu ka hadlaaye Hantida umadda, ayaa yidhi “Hantida umadda ka dhexeeysa, in sifo sharci daro ah in lagu qaadato, lagu musuqo ama lagu takrifalo waa qayrul sharci diin ahaan iyo dhaqan ahaanba, waxaana haboon in mar walba Hantida umaddu wada leedahay la wada lahaado, oo umadda iyo qaranka loo ilalaiyo, oo aan cid gaar ah qayrul sharci lagu siinin”

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey biyo yaraanta ka jirta deegaano ka tirsan Somaliland ayaa yidhi “Gobolka Sanaago deegaano ka tirsan ayaa biyo yaraan baahsani ka jirtaa, oo laga soo sheegayaa, waxaana Xukuumadda la gudboon inay ka guduto waajibkeeda iyo xilkeeda ka saaran umadda, oo ah inay sida ugu dhakhsaha badan biyo ula gaadho dadkaas biyo la.aantu hayso, iyadoo waliba dad ay haraad u dhinteen”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here